Ururadii siyaasada somaliland oo wareegii u dambeeyey gudogalay.

Ururadii siyaasada somaliland oo wareegii u dambeeyey gudogalay.

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

London(SaraarMedia)Urur siyaasadeedyada Jamhuuriyada Somaliland oo kor udhaafay toban ayaa kasoo gudbay wareegii koobaad iyo kii labaad oo ahaa inay dhigaan lacagtii lagu xidhay inay ka bixi karaan kharashaadka kusoo fool leh iyo in urur kastaa uu keeni karo kun qof gobol kasta oo ka mid ah jamhuuriyada soomaliland siday ukala horeeyaan.

Hadaba waxaa ayaamahan socday sidii ay ugu gudbi lahaayeen wareega sadexaad oo ah ismuujin in ururkastaa ku salaysan yahay habka dimuqraadiga ee sharuucda jamhuuriyadu dhigayo,kaasoo ah in hogaanka ururka lagusoo doorto hab dimuqraadi oo laysaga raali yahay.

Xisbi xaakimka Kulmiye iyo Ururka Rays ayaa maanta iyo shalay ku kala dhawaaqay inay qabanayaan shirweynahoodii ay kusoo dooran lahaayeen hogaankooda shan iyo tobanka iyo tobanka bishan siday ukala horeeyaan.halka Ururka Umada iyo Gurmad iyaguna sheegeen maanta inay qabsadeen shirweynahoodii kuna doorteen labadoodii hogaamiye.

Maanta markii ladoortay gudoomiyaha Ururka Umada Dr Gaboose,wuxuu markiiba u hadlay sidii mucaarad dhab ah isagoo dhinac ismuujinaya inuu yahay mid udiyaara inuu qabto shaqadan loo doortay ee ah anaa wax ka badan qaban kara iyo talaa hebel seegtay,dhinaca kalena dadka tusaya inaanu saaxiib la ahayn Madaxweyne Siilaanyo ee uu sidaana odhan karo.

Dalkani wuxuu ubaahan yahay mucaarad dhab ah oo wax toosin kara,sheegi karana khaladaadka dhabta ah ee xukuumadu ku kacdo haba yaraatee,ma aha qarda jeex iyo inaan wuxuun idhaahdaan doonayaa,waana sida dantu ku jirto,waxaynu sugnaaba waa ururada iyo xisbiyada kale oo mara halka kuwani mareen.

Bashiir Tarabi,

bogleh69@gmail.com

Comments

comments

Submit your comment

You must be logged in to post a comment.

Saraar Media © 2013 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media