Janaraal Shaqale oo booqasho mahadcelin iyo guubaabo ah ugu tegey ciidanka qaranka ee G Sool.

Laascaanood(SaraarMedia)Taliyaha ciidamada qaranka ee Somaliland Jenaraal Ismaaciil Maxamed Shaqale ayaa safar shaqo ah ugu tegey qaybta todobaad ee gobolka Sool,Janaraalka waxaa weftigiisa kamid ahaa Abaanduulaha ciidamada qaranka iyo saraakiil kale oo kasocotay hogaanada kala duwan ee ciidamada qaranka.

Janaraal Shaqale ayaa intii uu joogey gobolka sool wuxuu kormeer kusoo maraysalaan sharafna kaga qaatay ciidamada iyo saraakiisha fadhiisimada aaga hore ee ciidamada qaranka oo ay ka mid tahay Gambadha iyo fadhiisimada ciidamada ee Buuhoodle isagoo ugu dambayntii kusoo gunaanaday taliska guud ee qaybta todobaad oo fadhiga maamulkiisu yahay caasimada gobolka Sool ee Laascaanood.

Taliyaha ciidanku intii uu halkaas joogey wuxuu midmid uxuuraamay taliyayaasha aagagga uu marayey isagoo macluumaadkooda baahineed soo uruurinayey isla markaana uga mahad celinayey feejignaanta iyo geesinimada ay ka muujiyeen weerarkii ugu dambeeyey ee nabaddiidku soo qaadeen Axadii lasoo dhaafay.

Waa markii labaad ee Taliyaha guud ee ciidamadu uu gobolka utago arimo shaqo,isagoo mudo gaaban xilka hayey ilaa iminkana ay guulaha ciidamada qaranku sii kordhayaan maalinba maalinta ka dambaysa.

baxsane,

info@saraarmedia

 

Comments

comments

Submit your comment

You must be logged in to post a comment.

Saraar Media © 2013 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media