Maamulka Iyo Masuuliyiinta Xildhibaanada Golaha baarlamaanka Ee kasoo Jeeda Bariga Somaliland Iyo Golha wasiirada Kuwa Kasoo Jeeda Bariga Somaliland Horumarkii Gobalada Bariga Ma Idinkaa Hagraday Mise dawalada Somaliland Ayaa Hagratay? Fadalan Shacabka U Cadeeya Kana Jawaaba Intaanan Idinku Muda Haraadin By Sidiiq Sh Farah Gabaar.
SU ‘AAL KU SOCOTA MAAMULKA IYO MASUULIYIINTA GOBALADA BARIGA SOMALILAND
Posted by B Tarabi on April 3, 2012 in Opinion · 0 Comments
Marka Hore Waxaan Salaamaya Saxaafadayada Dhex Dhexaadka Ah Ee Sharafta leh Iyo Shacabaka Qaaliga Ah Wasalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarkaatu Bacda salaantaas Islaamka,
Waxaan Maanta Aan Jecaystay Inaan wax Ka Tilmaamo wax Qabadka dalka Iyo Horumarkiisa Iyo Hagrashadiisaba Sida Ku Xusan Kor,
Hadaba Waxaan Ahay Muwaadin Jecel Diintiisa Dadkiisa Iyo Dalkiisaba Lana Sii Jecel Horumar Iyo Heer Sare Inay ka Gaadhaan Xag walba Qaybaha Nolasha, Lana Socoda Geedi Socodka Dimuqradiaydeed Ee ka Jira Dalaka.
Hadaba waxaan Jecelahay Inaan Xuso Marka Hugu Horaysa Oo ah Wax Aad Iyo Aad Loogu Farxo Horumarka Gobalada Galbeedka Somaliland Maansha Allahu Oo Si Heer Sare Ah Marwalba Uga Faa Iidaysta Dawladihii Soo Maray Halkaasi In kasta Oo tan Madaxwayne Ahmed Siilaanyo Ay Noqotay Dawlada Ugu tayada Badan uguna Horumarka badan Dhismaha Gobalada Iyo Bilicdoodaba Waxaana U Guntaday Oo halkaas Gaadhsiiyaya waa Maamulka Iyo masuuliyiinta Gobalada Galbeedka Iyo dawladan Oo Ah Mid U Heegan Horumarka dalka iyo Dadka Maansha allahu.
Hadaba Waxa Is Waydiin Leh Waa Maxay dayaca Iyo Darxumadan Hadheeyay Gobalada Bariga Somaliland, Ee dib U Dhaca Ku Salidaya Ama Horumarkii U Diiday Sida Gobalada Galbeedka Dalka Ilaahay Ha u sii siyaadiyee, Ma dawladaa Hagratay Mise waxa Jilicsan Masuuliyiinta Iyo Maamulka Gobalada Bariga Somaliland (Waleeee Waa yaab) Mise Waxa Ilaaway Xubnihii Gobalkan U dhashay Ee Ugu Jira Golaha baarlamaanka Iyo Golaha wasiirada,
Gobalada bariga somaliland waxay U Haraadanyihiin Wax Qabadkii Dawlada Sida Waxbarashada ka war haynta Skuulda Degmooyinka Iyo Tuulooyinka Bariga oo anay Cidi Wax Muuqda U qabana waxa dayacan Dhismayaashii wadooyinka Kuwa magaalooyinka gudahooda Ee Bilicda magaaladu Ku Xidhnayad Iyo Kuwa Isku Xidha Tuulooinka Iyo Gobalada Degmooyinka Bariga , Waxa dayac ka muuqdaa Garoomada Diyaaradaha,Waxa Ka Muuqdaa Goobaha caafimaadka Ee Tuulooinka waxa barigu Uu u Baahanyahay Goob caafimaad ama Dhakhrtar wayn Oo baahi Tira Gobalada Bariga somaliland Si Looga maarmo Dadkan Dhakhaatiitra U tagaaya Galbeedka dalka,waxa iyana Lagama maarmaana ka qayb qaadashada biya galinta Iyo Abuurista Xirfad Shaqo Oo dadkan Ay Ku Baahaday Shaqala aantu Ay Haleen,hayiyadaha oo Si Joogta ah Loogu Soo gudbiyo bariga Dalka Si Ay Uga qayb qaataan baahiyaha Bulshada,
Hadaba Waxaan Aad U Guubaabinaya Maamulka Iyo Masuuliyiinta Gobalada Bariga Somaliland Waxaan Leeyahay Raqba waa Ku rageed Qof waliba waxa Uu Dhitasto Waa helayaa If iyo Aakhiraba Aduuna magacbaa ka Hadha Taariikhduna waxa Dhigataan way Qoraysa Fadlan Goobaha Iyo Gobaladan dayadacan Halooga Faaiideeyo Dawlada Oo halgu Fakaro Horu Markooda Iyo hanaanka wanaagsan Ee magac iyo maamusku Ku Jiro Ilaahayna haydinala qabto Hadii kale waxaad Tidhaahdaan Dawlada Na hor Taagan,
hadaanu nahay Qurba Jooga Soamliland waxaanu Diyaar u nahay Wixii Aad Xagayaga Nooga Baahatan Insha allahu Xaqa Ilaahay hayna garan siiyo Aamiin
Wabilaahi Tawqfiiq Ilaahay Ayaa Mahad gaara Iska Le( SW) Al xamdulilaahi Rabil Caalmiin
Somaliya Ilaahay Dhibaatada Haka Dul Qaado Iyo Kulu Caalamul Islaam Alaahu Maa Cisal islaamu wal Muslimiin Aamiin
Somaliland Ilaahay Himiladeeda hagadhsiiyo Si Khayr qabta Oo lagu farxo Aamiin Aamiin
Somaliland Guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuul Iyo Gobanimo
By Sidiiq Sh Farah Gabaar
Skandenevian
Gaashaan_1986@Hotmail.com












Comments