Boqor Buurmadow oo Geel uqalay maxaabiista ay wada xidhan yihiin lagana yaabo inay boqradaan.

Hargeisa (Saraar Media ) Boqor Cismaan Aw Maxamuud(Buurmadow) oo ayaamo kooban ku xidhnaa Jeelka magaalada Hargeysa ka dib markii lagu qabtay madaarka Hargeysa isagoo safar kaga yimid boqortooyada imaaradaha carabta horena ugu eedaysnaa hadalo ka dhan ah xukuumada iyo madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland ayaa maanta hilib geel ku casuumay dhamaan maxaabiista ay wada xidhanyihiin oo uu dareemay inay hilib ujeelan yihiin isla markaana uu jeeb dhaamo.

 

Boqor cismaan ayaa sida lasheegayo Jeelka dhexdiisa aad looga hadal hayey sidii halkaas loogusoo xidhay isagoo ka noqday xidig ay dhamaan kuwa jeelka ku xidhani jeclaan lahaayeen inay qol la wadaagaan ama ay saaxiibtinimo dhow layeeshaan intay jeelka ku xidhan yihiin iyagoo kuwooda maskaxda isbidaa aad udanaynayaan inay ka heli lahaayeen sheekooyin xiiso badan oo dhinaca dhaqanka ah iyo ilbaxnimo ay bidayaan Boqorka maadaama uu dhul badan maray.qaar kalena waxay danaynayaan baa la sheegayaa inay Boqorka dhacdhac ka helaan iyagoo rajaynaya inuu meel wax kusoo guntaday.

 

Xukuumada iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed (Siilaanyo) ayaa khaatiyaan ka joogsaday afxumo iyo dhaliil shakhsi ahaaneed oo uu kula kacay isagoo marar badan kusoo celceliyey dhaliilaha uu aaminsan yahay inay leeyihiin,cadhadoodii gadhoodhay waxay Boqorka geyeysiiyey jeelka uu maanta iskasoo sharaxay.

 

Alla bariga  uu Boqorku sameeyey ha siyaasadaysnaado ama sadaqad ha ahaado,waxay ila tahay inaynu kasoo qaadno khibrad cusub oo uu boqorku ka faa’iideystey intii uu jeelka ku jirey.

B tarabi,

saraarmedia.com

 

 

 

Comments

comments

Submit your comment

You must be logged in to post a comment.

Saraar Media © 2013 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media