Hargeysa (Saraar Media)- Wasaaradda Duulista Hawadda Somaliland ayaa markii ugu horaysay ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ka hirgelisay kamaraddo iyo qalab kale oo wax ka taraya nabad-gelyadda madaarka oo lagu baadhayo dhoofeyaasha iyo soo degeyaashaba.
Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi oo faahfaahin ka bixiyey qalabkan ayaa sheegay in qalabkan lagu dhamaystiray garoonka diyaaradaha ee magaalada hargeysa,isaga oo tilmaamay inuu wax ka tari doono amaanka dadka soo degaya,kuwa dhoofaya iyo guud ahaan amaanka dalka
“Waxa maanta madaarka caasimada ee Cigaal International Airport lagu dhamaystiray qalabkii casriga ahaa oo baadhaya Shandadaha iyo dadka, kaas oo xoojin doona amaanka dadka dhoofaya, kuwa soo degaya iyo guud ahaan amaanka qarankaba”.ayuu yidhi Wasiirka Duulista iyo hawadu Maxamuud Xaashi Cabdi.
Wasiirka Duulista oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “ Hawshan mudo dheer ayaanu soo wadnay waxaana aad nooga caawisay dawlada dalka ingiriiska oo aanu aad ugu mahad naqayno, qalabkana waxa loo tababaray dhalinyaro jaamiciyiin ah kuwaas oo iyagu ku shaqayn doona.””
Md. Maxamuud Xaashi Cabdi sheegay in hawlaha dhinaca dhismaha iyo amaanka ee ka socda garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ay qayb ka qaadatay xukuumada Somaliland.
“Hawlahan dhinaca amaanka iyo dhismayaasha ee ka socda garoonka diyaaradaha ee magalada hargeysa xukuumada Somaliland way ka qayb qaadatay maalgelintooda taas oo ilaa iyo intii ay xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) xilka la wareegtay aan mar kaliya la joojin dhismaha madaarka, haatana maraya meel fiican iyada oo dhismayaal badan lagu soo kordhiyey qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay madaarku,”ayuu tilmaamay Wasiirku.
Wasiirka Duulistay iyo hawda Somaliland ayaa sheegay inay dhawaan soo saari doonan wareegto“ Dhawaan wasaarada arrimaha guduhu waxay soo saari doontaa wareegto taas oo wasiirka arimaha guduhu ummada ugu sheegayo in dadka u imanaya dalkeena dhinaca dalxiiska aan lagu khasbi doonin inay fiiso ka dalbadaan dalka balse laga siin doono laanta socdaalka ee wasaarada arrimaha gudaha Somaliland, adeegyadaas oo dhamina waxay la xidhidhaaan inay madaaradeena ka dhigaan kuwo casri ah oo la jaan qaadi kara kuwa dunida.””
Xigasho; Somaliland.org













