Dhismaha Dhabada Diyaaraduhu ka haadaan ee Madaarka Hargeysa oo si xawli ah ku socota iyo Shirkadda dhisaysa oo Heer Caalami u wada….

      

Hargeysa(Saraar Media) Dhismaha Dhabada Diyaaraduhu ka haadaan ee Madaarka Hargeysa oo dhawaan la bilaabay dhigista Daamurka ayaa u socota si xawli ah waxaana durtaba la dhigay qiyaas ku dhaw Hal Kiiloomitir oo ka mid ah Sadexda Kiiloomitir ee ay dhabadaasi ka kooban tahay.
Wariyayaal ka tirsan Saxaafadda Somaliland oo Waaheen ka mid ahayd ayaa booqday Dhabadaasi oo ay shaqada Dhigista Daamurku ka socotay, sidoo kale waxay booqdeen Wershada Daamurka samaynaysa oo ku taala Duleedka Madaarka, halkaas oo ay ka socotay Shaqo baaxad lihi.
Madaarka Hargeysa ayaa diyaaradaha Waaweyn laga xidhay badhtamihii sanadkii 2012-ka wakhtigaas oo ay Shirkadda China Horn Group ku guulaysatay qandaraas dib loogu dhisayay Madaarka Hargeysa iyo ka Berbera oo ay Dawladda Kuwait ku bixisay lacag dhan ($10,000,000) Toban Milyan oo Doolar, taasoo loo qaybiyay labada Madaar oo hawlo kala duwan laga qabanayay.
Tan iyo wakhtigaasi waxa Madaaradda Berbera iyo Hargeysa ka socday dhismayaal dib loogu Casriyaynayay oo ay ka mid tahay ta Madaarka Hargeysa ka socota ee lagu dhisayo Dhabada Diyaaraduhu Cagadhigtaan ama ka haadaan oo ay Dawladda Ingiriisku samaysay wakhti ku siman 1954-kii, dhabadaas oo aan ilaa wakhtigaas dayactir mooyee hilin dibu-dhis la mid ah ka ay Xukuumadda Somaliland sanadkan ku samaynayso.

Wallow Madaarka Hargeysa yahay mid dabiici ah oo ilaahay dhigay Buurta Masalaha oo dhacda Koonfurta Hargeysa, hadana Hawsha imika ka socotaa waa mid u saamaxaysa in uu noqdo Garoon Caalami ah oo ay Dagi karaan Dayuuradaha Waaweyn ee Caalamiga ah, gaar ahaana kuwa Ganacsiga ee qaad xamuulka culus.
Shirkadda China Horn Group shaqada ay ka wado Madaarku waxa ay soo martay Maraaxil kala duwan oo la kulmay Dacaayado ay sababeen waayo aragnimo ama aqoon aan loo lahayn Hawsha ay tunka u riteen oo ah mid Baaxad leh, waxaanay tan iyo mudadii ay Qandaraaskaas ku guulaysatay ka fulisay shaqada loo Igmaday Dhawr waji oo isdaba socday, kuwaasoo kala ahaa Qiimayn hawsha la qabanayo ahayd, Dhabada oo lagu sameeyay Buux buuxin meelaha biyo fadhiisinka noqday kadib markii Khubaradii qiimaysay ogaatay inay boqlkiiba toddobaatan hagaagsan tahay dhabadii hore u taalay iyo qalab keenid maadaama aanay Somaliland jirin Shirkad kali ah oo qalab ahaan hawshaasi fulin kartaa.

Qalabka Shirkadda China Horn Group keensatay si ay u fuliso Hawsheeda waa mid dabooli karta baahida Dhismaha ay wado iyo kuwo kaleba haddii loo baahdo. Gaar ahaana Mishiinka isku laaqaya Daamurka, Jayga iyo Ciida. Sidoo kale Mishiinka dhigaya ayaa isna ah mid Casri ah oo daqiiqado ku Goglaya Daamurka, kaasoo dhigaya qiyaas Caalami ah oo la soo shaybaadhay.
Wallow Madaarka Hargeyi yahay mid balaadhan hadana sida ay Hawsha Dhigista Dhabadau u socoto waa mid la odhan karo wakhtigii loogu talo galay way ku dhamaanaysaa, iyadoo sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen Wasiirka Duulista Hawada Maxamud Xaashi Cabdi iyo Mulkiilaha Shirkadda China Horn Grouo sheegeen la filayo bisha April in la furi doono.

Maaha mid fudud Hawl intaas leeg in lagu dhamaystiro muddo kooban, hadana sida muuqata Dedaalka ay ku jireen Khubarada Ajanabiga ah iyo Hawl wadeenadda Somalilanderka ahi waxay ahayd mid xawaare ku socota haddii aanay ku iman Cilad ka awood weyn kartidooda iyo qalabkooda oo aad is odhan karto way ka kooban yihiin hawsha ay wadaan, wallow ay yihiin qalab cusub oo casri ah.
ahaatee Madaarka Hargeysa oo la xidhay xagaagii hore ayaa lagu wadaa inay ka soo degi doonaan Qurba joogta Reer Somaliland ee sanadkii hore loo wareejiyay Madaarka Berbera, waxaanu Madaarkani tusaale u noqon doonaan Shirkaddaha Dhismaha ee Reer Somaliland inay ku tartami doonaan Dibu-dhiska Dalka oo laba iyo labaatankii sano ee hore soo kacaa kufayay, waxaanu la Jan-qaadi doonaa Saraha Dhaadheer ee ka dhex mudhay Hargeysa oo ay Cimaaradda ugu dheeri ahaan jirtay sadex Dabaq.

isku soo duuboo Somaliland Waxa ka socda Dibu-dhis balaadhan oo ku socda Xawaare dheeraynaya. gaar ahaan dhinaca Dhismayaasha Gaarka loo leeyahay, hase yeeshee waxa wali gaabis ah Adeegyadii Danta Guud ee Jidadka, Buundooyinka iyo Ceelasha kuwaasoo u baahan in Iskaashi ay kala yeelato shacabkeeda Dedaalaya, isla markaana ay ka dhabayso qorsha Sanadeedka Miisaaniyadda oo Culayska saaraya Mashaariicda Danta Guud ah ee aynu soo sheegnay.

Saraar Media Desk

Dhismaha Dhabada Diyaaraduhu ka haadaan ee Madaarka Hargeysa oo si xawli ah ku socota iyo Shirkadda dhisaysa oo Heer Caalami u wada….

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)

Comments

comments

Saraar Media © 2013 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media