Laasqoray (Saraar Media) Febr 22,2013 – Wasiir ku xigeenka wasaarada Macdanta iyo biyaha Somaliland Cabdisalaan Maxamed Xasan iyo weftigii la socday oo ku sugnaa Magaalada Laasqoray ayaa xalay ka badbaaday weerar ay ku soo qaadeen Ciidamada Puntland ee loo yaqaano PS.
Weftiga Wasiir ku xigeenka, oo doraad Laasqoray gaadhay isla-markaana si aad ah loogu soo dhaweeyay, ayaa waxa socdaalkooda ka war helay ciidamada la dagaalanka argixisada ee Puntland (PS), kuwaasi oo ku sugnaa deegaanka Deegaanka Ceelaayo oo qiyaastii 60Km dhanka Boosaaso ka xiga, ayaa la sheegay inay duulaan ku soo qaadeen weftiga Somaliland oo ku sugnaa Laasqoray, waxaana la sheegay in ciidamada Puntland oo aad u faro badnaa awgeed uu weftigii Wasiir ku xigeenku ka soo firxadeen halkaasi, isla-markaana subaxdii hore ay gaadheen Magaalada Ceerigaabo.
Warka ayaa intaa ku daraya inaan wax khasaare ahi gaadhin weftiga Wasiir ku xigeenka ee ciidamada Puntland soo weerareen, iyadda oo la sheegay in ciidamadii Puntland ay wakhtigan ku sugan yihiin degmada Laasqoray.
Source by Ramaas
Saraar Media Desk












Comments