Wefti Uu Hogaaminayo Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Macdanta Iyo Biyaha oo si Balaadhan loogu soo Dhaweeyay Magaalada Laas-qoray Iyo Degaanada Hoos Yimaada….

Wefti Uu Hogaaminayo Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Macdanta Iyo Biyaha oo si Balaadhan loogu soo Dhaweeyay Magaalada Laas-qoray Iyo Degaanada Hoos Yimaada….

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

             

 Laasqoray-(Saraar Media)-Wefti Culus Oo Uu Hogaminayo Wasiir Ku Xigeenka Wasarada Macdanta Iyo Biyaha Somaliland Cabdisalan Maxamed Xasan Oo Dhowaanahanba Socdaal Shaqo Ku Gaala Bixinayay Deganada Sanaag Bari Ayaa Soo Gaadhay Magalada Laasqoray Waxana Intii An Weftigu Soo Cagadhigan Magaaladasi Laasqoray Lagu Qaabilay Degaanka Xabaasha Aw Cali Halkaaso Dadka Degaankasi Ay Weftiga Wasiirka Uga War Bixiyen Baahiyahooda Aasasiga Ah

Waxayna Sheegen In Degaankooda Ay Ubaahan Yihiin Gebi Ahaanba Bahiyaha Aasasiga Ah Siiba Dhinacyada Biyaha, Caafimaadka, Iyo Waxbarashada, Iyagoona Xukumada Somaliland Ka Dalbaday Inay Baahiyahaasi Wax Kala Qabato
Sidoo Kalena Waxa Weftigu Soo Indha Indheeyeen Wadada Buuralayda Geeldoora Ee Isku Xidha Magaaloyinka Badhan Iyo Laasqoray Oo Iyadu Bur Bur Xoogani Ka Muuqdo Waxana Ka War Bixiyay Nabadoon Xasan Faarax Waxana Uu Yidhi
“Wadada Geel Doora Waa Wado Qaadimi Ah Ilamaaa 20 Sano Waxba Lagama Qaban Waana Wadada Xidhiidhisa Maagaaloyinka Laas-qoray Iyo Badhan Markaa Xukumada Somaliland Waxan Leenahay Wax ha-nalooga qabto’
Intaa Ka Dibna Waxa Weftigu Soo Gaadheen Duleedka Laa-sqoray oo soo Dhowayntooda Diyaar Ugu Ahaayeen Madaxda Maamulka Degmada Saraakisha Ciidamada Qaranka Salaadiin Cuqaal Guurti Iyo Dadwayne aad Utiro Badan
Waxana Wasiirku Uu Halkaasi Salaan Sharaf Kaga Qaatay Ciidamada Qaranka Taliyaha Guutada Laasqoray Maxamed Salaax Tusbaxle Oo Halkaasi Ka Hadlay Ayaa Sheegay Inay Weftiga Wasiirka Kusoo Dhowaynaayan Magaalada Laa-sqoray Waxana Uu Yidhi. Weftiga Wasiir Ku Xigeenka Macdanta Iyo Biyaha Somaliland Mudane Abdisalam Waa Weftigii ugu Horeyey Ee Xukumada Somaliland Ee Soo Gaadha Laa-sqoray Waxan Leenahay Wasiir Soo Dhowow Laasqoray Waa Magaaladadii”

Intaasi Ka Dibna Waxa Weftiga Loo Soo Gelbiyay Dhinaca Gudaha Magaalda Laasqoray Waxana Lagu soo Wareejiyay Shaaracyada Waawayn Ee Faras Magaalaha ee Magaalada Laas-qoray
Kadib Kolkii Weftiga Wasiirka Lasoo Gaadhsiyay Hoygii Loogu Talagalay Waxa Uu Mahad Celiyay Dadwaynaha Reer Laasqoray Ee Aan Soo Dhowayntiisa U kala Hadhin Waxanu Uu Sheegay Inay Kulamadooda Iyo Shirarkooda Gaar Gaar Ka Ah Yeelan Doonan Inta uu Magaalada Joogo
Weftiga Wasiir Ku Xigeenka Oo Socdaalkisu Salka Ku Hayo U Kuur Gelida Xaalada Degaanada Sanaag Bari Ayaa Kormeer Kusoo Maray Xarunta Cusbitalka Magaalada Laasqoray Saldhiga Ciidamada Policka Xarunta Dawlada Hoose Ee Degmada Xafiiska Iskaashatada Kaluumaysiga Ee Safko Oo Uu Dhamaantoodba Warbixino Ka Dhegaystay
Ugu Dambayntiina Waxa Wasiir Ku Xigeenka Munaasibad Balaadhan Oo Lagu Soo Dhowaynayo Loogu Qabtay Barxada Dugsiga Hoose Dhexe Ee Magalada Laasqoray

Waxana Munaasibadasi Ka Hadlay Suldaan Xasan Cali Jibriil Iyo Qaar Kamid Ah Odayaasha Degaanka Laasqoray Xubno Ku Hadlayay Afka Ururada Haweenka Ee Alkhayr Iyo Il Jano Oo Dhamaantooddba Tilmaamay In Degmada Laasqoray Saamigeedi Xukumada Somaliland Ka Doonayso Sidoo Kalena Wasiir Ku Xigeenka Ku Tilmaamay Masuulka Keliya Ee Somaliland Taarikhda Abid Soo Gaadha Magalada Laasqoray
Gaba Gabadii Munaaasibadasina Waxa Ka hadlay Wasiir Ku Xigenkaa Macdanta Iyo Biyaha Cabdisalaan Maxamed Xasan Waxanu Yidhi “Reer Laasqoray Waxan Uga Mahad Celinayaa Sida Wanaagsan Ee Kalgacalka Iyo Dawlad Jeceylka Leh Ee Ay Iigu Soo Dhoweeyen Magaalada Laasqoray Waxanan Leeyahay Waad Mahad San Tihiin Intaa Hadan Ka Imaado Dadka Reer Laasqoray Baahiyahooda Waan Tixi Gelin Doona Dawladana Iyo Xukumada Jamhiriyada Somaliland Waa Kula Noqon Doonaa Waxna Waa Lagala Qaban Doona Insha Alaah Waan idiin Balan Qaadaynaa Inaan Mar Dambe Cabasho Kasoo Yeedhin Laasqoray”

Isku Soo Wada Duubo Weftiga Wasiir Ku Xigeenka Macdanta Iyo Biyaha Ayaa Socdaalkoodu Salka Ku Hayaa Ukuur Gelida Gebi Ahaanba Xaalada Degaanada Sanaag Bari Waana Weftigii U Horeyay Ee Taarikhda Abid Socdaal Ku Taga Maagalada Laasqoray.

Saraar Media Desk

Comments

comments

Saraar Media © 2013 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media