Madaxweyne Axmed Siilaanyo Oo Ka Qayb Galay Munaasibad loo sameeyay Barnaamijka Qiimee Qofkaaga Oo shahaado sharaf lagu Gudoonsiiyay dad kala duwan…

Madaxweyne Axmed Siilaanyo Oo Ka Qayb Galay Munaasibad loo sameeyay Barnaamijka Qiimee Qofkaaga Oo shahaado sharaf lagu Gudoonsiiyay dad kala duwan…

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

       

  Hargeysa (Saraar Media) Febr, 20, 2013- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka qayb galay barnaamijka Qiimee qofkaaga si aad qiimo u yeelato.Barnaamijkan oo sanadkii u dambeeyay oo dhan uu waday muwaadin reer Somaliland ah, kaasi oo bulshada warbaahinta u marinayey su’aalo la xidhiidha qofka ay u arkaan inuu bulshada wax ku soo kordhiyey.Barnaamijka qiimaha qofkaaga oo uu soo diyaariyey Rashiid Sulub Caalin, ayaa waxa uu shahaado sharafyo guddoonsiiyey dad gaadhaya 100 qof, kuwaasi oo ay ku jiraan dad uu u xushay inay yihiin dadka ugu qiimaha badan, uguna mudan ee uga soo baxay jawaabaha uu bulshada ka helay.

Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo oo madashaasi ka hadlay, isaga oo ka mid ahaa shakhsiyaadka lagu soo daray barnaamihka qiimee qofkaaga ee abaal-mari nta la siiyay ayaa yidhi “Waxaan halkan uga mahadnaqayaa qaban

qaabiyaha hawshan qiimaha iyo qaayaha ee taariikhiga ah ee lagu qiimaynayo dadka Somaliland wax u taray Rashiid Sulub Caalin, waxaan jecelahay in aan hambalyo u soo jeediyo aad iyo aad u balaadhan, waxa kale oo aan hambalyo u soo jeedinayaa dadka kale ee halkan ku sugan, hadaanu shacabka dadkiisa qiimayn umad noqon maayo, waxa umad lagu noqdaa taariikh lagu galaa qiimaynta dadka wax qabtay”

Barnaamija qiimee qofkaaga oo dadka ku soo baxay ay isugu jireen culimo, siyaasiyiin, Madax dalka xilal ka haya iyo dad hore xilal ugu soo qabtay Qaranka oo hore u geeriyooday.
Masuuliyiinta hadda barnaamijkan shahaadooyinka la siiyay ayaa waxa ka mid ah Madaxwayne Siilaanyo, Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan, Sheekh Dirir, Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun iyo dad kale oo badan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Edna Aaden Ismaaciil, Faadumo Siciid iyo dad kale oo badan.
Dadkan oo loo aqoonsaday inay yihiin dadyawgii ugu mudnaa qiimeyn ka dib ayaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo shahaado kala duwan Gudoonsiiyay.

Saraar Media Desk

Comments

comments

Saraar Media © 2013 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media