Hargeysa (Saraar Media) – Jessica Cox waxay u dhalatay iyadoo aan lahayn gacmo waxay awoodaa iney lugaheeda ku wado Diyaarad iyo Baabuurba,
Jessica Cox waxey u safartaa dunida meesha ay doonto, iyadoo munaasibado badan oo lagu dhiirigalinaayo dadyawga Naafadaha dalal kala duwan kaga qeybgashay, si ay u dhiirigaliso dadyawgaa, Jessica waxay marwalba ku wacyi-galisaa dadka Naafada ah in qofku uu gaadhi karo waxa uu ku hamiyo haddii uu la’yimaado dadaal dheeri ah
Waxey bishaan booqatay dalka Ethiopia iyadoo caawinaad u fidisay xaquuqda dadka naafada ah, kuna boorisay dadka naafada ah in ay hami u yeeshaan wixii ay jecel yihiin.
Jessica Cox oo ku nool gobolka Arizona. waxay sanadkii 2012-kii guursatay Patrick oo ah ciyaaryan hore oo ciyaarta Taekwondo ah, taasoo u sahashay iney jeclaato, ciyaartana Taekwondo.
Saraar Media Desk
Source by BBC














