Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ku Dhawaaqay Inuu U Tartamayo Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Xisbiga Kulmiye…

Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ku Dhawaaqay Inuu U Tartamayo Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Xisbiga Kulmiye…

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

   

Hargeysa (Saraar Media) – Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil .(Saylici), ayaa caawa ku dhawaaqay inuu u tartamayo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye, kaasi oo ololihii shirwaynihiisu bilaabmay.
Cabdiraxmaan Saylici, oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu u sharaxan yahay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye, oo uu hadda hayo Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo shalay caddeeyay inuu u tartamaya Guddoomiyaha xisbiga iyo Musharax Madaxwaynaha.
Madaxwayne ku xigeenku waxa uu sheegay in si kasta oo xaalada xisbigu tahay, haddana isagu uu u taagan yahay Musharaxa Guddoomiye ku xigeenka Kulmiye, inkasta oo uu sheegay inaanu sheegi Karin wakhtiga shirwaynuhu dhacayo.
Xilka uu sheegay in Madaxwayne ku xigeenku u tartamayo ayaa waxa maanta isugu sheegay inuu u tartamayo Cabdikariin Xinif oo ah Agaasime Waaxeedka Maamulka ee Komiishanka la dagaalanka Aydhiska.
Dhawaaqa Cabdiraxmaan Sayliici, ayaa loolanka Kulmiye ee hogaanka xisbiga sii adkaynaya, maadaama oo ay hore hogaanka ugu tartamayeen siyaasiyiin door ahi.
Siyaasiyiinta ilaa hadda cadaystay hankooda ayaa waxa ka mid ah Guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Xisbiga Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Maaliyadda C/casiis Samaale, kuwaasi oo sheegay in ay u taagan yihiin jagada guddoomiyaha iyo musharaxnimada madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye, waxa iyaguna sheegay in ay u taagan yihiin jagada guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) iyo Agaasimaha maamulka iyo lacagta ee komishanka la dagaalanka xanuunka HIV AIDS-ka C/kariim Xinif.
Shacabka reer Somaliland ayaa u dhag taagaya halka ay ku dambayn doonto loolankan ka dhex taagan siyaasiyiinta ku jira xisbiga Kulmiye oo badi lagu naanayso inay yihiin Qoodh xisbi isugu timid, kuwaasi oo tartankoodu ka xamaasad badan yahay tartamada ay galaan xisbiyada iyo ururada kale ee dalka soo maray.

Saraar Media Desk

Comments

comments

Saraar Media © 2013 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media