Hargeysa (Saraar Media), Febr, 18, 2013- Maayarka caasimada Hargeysa Eng. Yuusuf Warsame Siciid oo beryahan dambe lagu daweynayey cusbitaal ku yaala magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in xilligan xaaladiisa dhinaca caafimaadku aad u wanaagsan tahay oo uu soo kabanayo.
Maayarka oo aanu shalay telefoonka kula xidhiidheen Weriyeyaal ka tirsan WargeyskaDAWAN ayaa waxa uu si kooban noogu sheegay in xaaladiisu wanaagsan tahay, caafimaadkiisuna ka soo raynayo. Iyada oo aanu sidoo kalena shalay gelinkii dambe khadka telefoonka ee magaalada Dubai kula xidhiidhnay Eng. Axmed Warsame Siciid oo ay walaalo yihiin Maayarka Caasimadda, kaas oo wargeyska DAWAN uga xog waramay xaaladda caafimaadka Maayarka.
Eng Axmed Warsame waxa uu sheegay in caafimaadka Maayarku wakhtigan aad u wanaagsan yahay, isla markaana ay maalinba maalinta ka dambaysa ka soo raynayso. Eng Axmed waxa uu warar aan sal iyo raadtoona lahayn oo dacaayad iyo borobogaando ah ku tilmaamay warar maalmahan dambe lagu baahinayey qaar ka mid ah wargeysyada ka soo baxa magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, kuwaas oo sheegayay in aanay wanaagsanayn xaalada caafimaad ee Maayarku, taas darteedna uu iska casilayo xilkii Maayarnimo ee uu ka hayey caasimad Hargeysa oo aanu u gudan karayn sababo caafimaad dartood.
Eng. Axmed isaga oo arrimahaas ka hadlayay waxa uu yidhi “Maayarka caafimaadkiisu aad buu u fiican yahay waanu ka soo raynayaa oo maalin kasta waxbaa u kordhaya, hase ahaatee cusbitaalkii buu ku jiraa, oo dhakhtaradii weli may fasixin, marka ugu horeysa ee ay fasaxaana si toos ah ayuu dalka u iman doonaa. Arrinta ku saabsan wararka la xidhiidha in Maayarka caafimaadkiisu daran yahay ee maalmahan dambe Hargeysa la isla dhex marayo, joornaalada qaarkoodna lagu qoray iyada oo la leeyahay caafimaad darro aawadeed ayaanu xilkii u gudan karayn oo wuu is casilayaa waa waxba kama jiraan.”
“ Waxaan leeyahay wararkaasi waa waxba kama jiraan iyo dacaayado raqiis ah oo ay faafinayaan dad aan xilkas ahayni, wax caafimaad ah oo ay dadka waxaas sheegayaa Maayarka u hayaana ma jiro ee caafimaadkiisa Illaahay baa haya, wax xil ah oo uu iska casilay iyo wax uu iminka iska casilayaana ma jiraan. Markaa iyaga ayaa og dadka waxaas sheegayaa meesha ay ka keeneen ee iyaga ha la weydiiyo”. Ayuu yidhi Eng. Axmed Warsame oo ah Maayirka walaalkii.
Xigasho: Wargeyska Dawan
Saraar Media Desk.












Comments