Hargeysa (Saraar Medai) – Guddoomiye Ku xigeenkii Urur siyaasadeedkii RAYS Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare) ayaa shaaca ka qaaday in ururkoodu go’aansadeen inay si buuxda ugu biiraan xisbiga talladda haya ee KULMIYE.
Guddoomiye Ku xigeenka oo u waramay Telefishanka Bulsho TV, waxa uu sheegay inay ku gudo jiraan wada hadalo heshiis ah oo ay la galayaan xisbiga KULMIYE, ka dib markii sida uu tilmaamay ururkoodii ka mid noqon waayay sadexda xisbi qaran ee soo baxayMd. Aadan Dhoolayare waxa kale oo uu soo dhaweeyay khudbadii Madaxweynaha Somaliland ka horjeediyay labada aqal ee baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiiladda), isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan odhan karaa markaad ururiso afkaarta dadweynuhu ay ka bixiyeen khudbad sanadeedkii madaxweynuhu u jeediyay labada gole ee baarlamaanka. Wuxuu runtii u hadlay sid wanaagsan. Dadweynuhuna way hambalyeynayeen. Waayo wuxuu si weyn uga hadlay qodobadii iyo siyaasaddii taagnayd.”
Guddoomiye Ku xigeenkii RAYS, waxa uu sheegay inuu ka xun yahay in urur siyaasadeedkii XAQSOOR uu dalal shisheeye u dacwad tago, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ilama qurux badna in Ururkii XAQSOOR u dacwad tagaan dalal shisheeye. Waxay ahayd talladii qaran ee ay ku baaqeen inay iyagu iskaga bilaabaan oo aan la qaadin in dalal shisheeye la iska dacweeyo.”
Aadan Dhoolayare, waxa uu dhaliilay qaraarkii ay soo saartay wasaaradda Khaarajiga ee dalka Ingiriiska ee ay ugu baaqeen muwaadiniintooda inay ka soo baxaan Somaliland cabsi argagixiso darteed.
WWW.Sraar Media.Com












Comments