Madaxwayne Siilaanyo Oo Magacaabay Abaandulaha Labaad Ee Ciidamada Qaranka Iyo Taliye Ku Xigeenada Labaad Ee Booliska Iyo Asluubta JSL….

  Hargeysa (Saraar Media) – Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa Magacaabay Abaanduulaha labaad ee ciidamada Qaranka Somaliland iyo Laba Taliye ku xigeen oo ay yeelanayaan ciidamada Booliska iyo Asluubta. War-saxaafadeed ka soo baxay aqalka Madaxtooyadda Somaliland oo ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada ayaa u dhignaa sidan: Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Dr. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1553/022013 ku magacaabay Abbaanduulaha Labaad ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
MADAXWEYNUUHU:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo in la dardar-geliyo hawlaha Ciidanka Qaranka;
Markuu Tixgeliyey:La tashiga Madaxda ay arrintani khusayso;
Markuu Arkay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday;
Sidoo kale, War-saxaafadeedka lagu shaaciyey Magacaabdida labada taliye ku xigeen ee cusub ayaa u dhignaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu caawa digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1554/022013 ku magacaabay taliye ku xigeenka labaad ee booliska JSL iyo Taliye ku xigeenka labaad ee Ciidanka Asluubta JSL.
MADAXWEYNUUHU:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, ee xarafka (d) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Ahmiyadda ay Ciidanka Booliiska iyo Ciidanka Asluubtu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Taliye Ku-xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliiska JSL iyo Taliye Ku-xigeenka Labaad ee Ciidanka Asluubta JSL;

Markuu Tixgeliyey: La-tashiga Madaxda ay arrintani khusayso;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
1. In Mudane, Daahir Cali Wacays, laga bilaabo taariikhda Xeerkan uu ahaado Taliye Ku-xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliiska JSL.
2. In Mudane, Cali Cumar Axmed, laga bilaabo taariikhda Xeerkan uu ahaado Taliye Ku-xigeenka Labaad ee Ciidanka Asluubta JSL, ahna La Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka.
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

WWW.Saraar Media.com

Comments

comments

Saraar Media © 2013 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media