Madaxweyne Axmed Siilaanyo”dowladda cusub ee Soomaaliya waxaan jeclahay inay noo dhaxeyso cilaaqaad wanaadgsan.”

Hargeysa (Saraar Media)- Madaxweynaha Somaliland,Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aanay dowlad u ahayn isla arkaana xukumin Somaliland.
Hadalkan ayaa Madaxweynuhu waxa uu ka sheegay mar uu maanta khubd u jeedinayay labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay inay ku hawlan yihiin horumarinta Dalka iyo sidii aan aqoonsi uga heli lahaa dunida.
Siilaanyo waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo dadkeeda ay u sheegayaan inay tashadeen oo aanay jirin cid jujuubi karta, qadiyadda Madaxbanaanidda Somaliland.
Dowladda cusub ee Soomaaliya waxaan jeclahay inay noo dhaxeyso cilaaqaad wanaadgsan.” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in ictiraafka Mareykanka ee Soomaaliya aanay quseyn Dawladda Somaliland.
Madaxweyne Siilaanyo waxa kale oo uu sheegay inuu ka xun yahay go’aanka dowladda Britain ee ahaa inay ka soo baxaan dadka reer Ingriis ee Somalilandjooga wadanka, halis ammaan darro awgeed, oo uu ku tilmaamay Madaxweynuhu go’aan lagu deg degay.
Madaxweynuhu isagoo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Ciidamadda Somaliland ku filanyihiin sugista AmaankaSomaliland. .

WWW.Saraar Media.Com .

Comments

comments

Saraar Media © 2013 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media