Muqdisho (Saraar Media)- Wakaalada wararka AP ayaa sheegtay in qaraxani uu fuliyay qof naftiis hure ah uu ku qarxiyay Banaanka hore ee Xaruta Xafiiska rasal-wasaaraha halkaasi oo inta la ogyahay ay ku dhinteen 6-ruux oo u badan ilaalada xaruntaasi,waxaana sido kale la arkayaa dhawac intaas ka badan. Ciidamada ilaalada xafiiska Ra’isalwasaraha ayaa waxaa ay shaki weyn ka muujiyeen ninkani oo doonayay in uu si xoog ah ku galo xarunta ra’isalwasaraha taasi oo keentay in ay ka diidaaan in uu gudbo gudaha oo ay ku yaalan xafiisyo badan oo dawlada leedahay. Ciidamada nabad-sugida qaranka ayaa waxaa ay haatan baaritaan ku wadaan sidii uu dhacay qaraxani oo aan wax badan gaadhsiin gudaha xarunta wasaaradaha dawlada iyo sidoo kale hoyga rasalwaare Shirdoon oo xiligaasi loo badinayo in uu gudaha ku jiray.
ugu danbeytiina Qaraxani ismiidaminta ah ayaa lagu malenyaa Al-shabaab oo horay qaraxyo noocan ah uga geystay caasimada dalka ee Muqdisho,taasi oo inta badan ay dad badan ku laayeen.
WWW.Saraar Media.Com














