Hargeysa (Saraar Media)-Masuuliyiinta dalada ay ku bahoobeen ururada aan dowliga aheyn ee SONSAF, ayaa kulan soo dhaweyn iyo bogaadin ah la yeehay Christopher Stanfield oo ah muwaadin u dhashay dalka Biritan oo soo gabo gabeeyay socod dheer oo uu ku soo maray Qaahira ilaa Hargeysa oo uu taageero ugu raadinayay cisbitaalka Adna Maternity Hospital Kulankan oo maanta ka qabsoomay xarunta dalada SONSAF ee magaalada Hargeysa, waxa ka soo qayb galay Agaasimaha Fulinta Dalada Sonsof, Maxamed Axmed Maxamuud (Barawaani) Xidhidhiyaha Barnaamijka Dimoqraadiyada Dalada Sonsaf, Maxamed C/laahi Ducaale (Ilka case), Christopher Stanfield oo ku howlan taageero u raadinta cisbitaalka Adna Maternity Hospital. Pref Yuusuf Maxamed Hasan. Agaasimaha Fulinta Dalada Sonsaf, Maxamed Axmed Maxamuud, oo ugu horey kulan kasi ka hadlay ayaa muwaadinkan u dhashay dalka Ingiriiska Christopher Stanfield ku bogaadiyay socodka dheer ee uu taageerada ugu baadi goobayay cisbitaalka Adna Maternity Hospital ee magaalada Hargeysa, waxaanu uga mahad celiyay howlaha tabarucaadka ah ee uu isku xilqaamay, waxaanu agaasimahu tilmaamay inay noqonayso duruus dadka reer Somaliland ay kudaydaan. Agaasimaha Fulinta Dalada Sonsaf, Maxamed Axmed Maxamuud, waxa kale uu sheegay inay dhankooda bilaabi doonaan isla markaana taageeri doonaan tageero gudaha wadanka oo ku aadan cisbitaalka ee Adna Maternity Hospital. Xidhiidhiyaha barnaamijka dimoqraadiyada dalada Sonsaf, Maxamed C/laahi Ducaale (Ilkacase), ayaa dhankiisa isna kulankaasi ka sheegay inay ku faraxsan yihiin howlaha tabarucaadka ee taageerada ugu raadinayo cisbitaalka Adna Maternity Hospital, waxanu tilmaamay inay taageeradooda lagarb istaagi doonaan, Christopher Stanfield oo ah muwadin u dhashay dalka Biritan oo soo gabo gabeeyay todobaadkan socod dheer oo uu ku soo maray Qaahira ilaa Hargeysa oo uu taageero ugu raadinayay cisbitaalka Adna Maternity Hospital.
WWW.Saraar Media.com












Comments