Wasiirka Macdanta Iyo Biyaha Somaliland Oo ka Qaybgalay Ka Shir Caalami Ah oo ay iskugu yimaadeen dalka isku tagga Emirate Arab…

Wasiirka Macdanta Iyo Biyaha Somaliland Oo ka Qaybgalay Ka Shir Caalami Ah oo ay iskugu yimaadeen dalka isku tagga Emirate Arab…

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

 Dubai (Saraar Media) – Wasiirka Wasaarada Macdanta, biyaha iyo Tamarta Somaliland Eng Xuseen Axmed Caydiid, ayaa khudbad ka jeediyay shir caalami ah oo dalka isku tagga Imaaraadka Carabta ka furmay, kaasi oo lagaga hadlayay shidaalka iyo TamartaWadamada Afrika iyo Khaliijka Carabta.Shirkan oo ahaa mid muhiim ah, ayaa Wasiirka Macdanta iyo biyaha Somaliland ku soo bandhigay Arimo la xidhiidha khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland hodanka ku tahay, gaar ahaan Saliida oo ay wasaaradiisu hadda meelo ka mid ah Somaliland ay ka baadhayaan shirkadaha shisheeye, waxaanu halkaasi ka sheegay in sanadkan cusub ee bilowday ay Somaliland ka bilaabantay sahaminta shidaalka.Wasiirka oo markii masraxa loogu yeedhayey si toos ah looga sheegay inuu ku hadlaya Magaca wadamada bariga Afrika, ayaa halkaasi ku soo bandhigay Saliida ku jirta wadamada bariga Afrika qaarkood, kuwaasi oo Somaliland ka mid tahayWaxa kale oo uu Wasiirku ugu baaqay ka soo qaybgalayaashii shirka in Somaliland diyaar u tahay wada shaqeynta dhanka Tamarta isagoo sheegay wasiirku in shirkadaha caalamiga ah meel ay joogaanba ay u diyaariyeen wax kasta oo aay u baahanyihiin khaasatan dhanka sharciyadda ee baadhista iyo soo saarista Tamarta ay soomaaliland Hodanka ku tahay.

WWW.Saraar Media.com

Comments

comments

Saraar Media © 2013 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media