Hargeysa (Saraar Media) – Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhaqangaliyey xeerka haay’adda sirdoonka Qaranka Somaliland oo dhawaan baarlamaanku ansixiyey.
Madaxwayne Siilaanyo ayaa dhaqan galiyey xeerkan oo buuq badan ka taagnaa isla-markaana bilihii u
War-saxaafadeed uu ku saxeexan-yahay Afhayeenka Madaxtooyadda ayaa u dhignaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu maanta Digreeto madaxweyne ku Dhaqan-geliyey Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka Xeer Lr. 59/2012.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiilada JSL, Go’aan Lr. GW/G/KF-19/581/2012 ee ku taariikhaysan 27/12/2012 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Haay’adda Sirdoonka Qaranka Xeer Lr. 59/2012;
Wuxuu Soo Saaray
Dhaqan-galka Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka Xeer Lr. 59/2012 ee Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
WWW.SARAAR MEDIA .com













