Golaha Wakiilada Oo Ansixiyey Wasiir Saleebaan Xaglo-toosiye Iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha…

Golaha Wakiilada Oo Ansixiyey Wasiir Saleebaan Xaglo-toosiye Iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha…

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

 

Hargeysa (Saraar Media) – Mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta ansixiyey Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Macdanta iyo biyaha.Fadhigii golaha Wakiilada Somaliland ee maanta oo uu shirguddoominayey Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), isla-markaana ay ka soo xaadireen 48 xildhibaan, ayaa waxa lagu ansixiyey wasiirka dib-u-dejinta Saleebaan Xaglo-toosiye iyo ku xigeenka Macdanta iyo biyaha Cabdisalaan Maxamed Xasan.
Ka hor ansixinta labadan masuul ayaa waxa halkaasi laga akhriyey Taariikh nololeedka Wasiirradan iyo weliba digreetooyinkii uu Madaxwaynaha Somaliland xilalkan ugu igmaday si loo ansixiyo.
Intaasi ka dib ayaa labada masuul waxay Mudanayaasha hortooda ka jeediyeen khudbado ku aadan hawlaha ay u xilsaaran yihiin iyo inay dedaal ka gali doonaan sidii ay uga midho dhalin lahaayeen hawlaha ay xil-saaran yihiin Wasaaradaha xilalkooda loo dhiibay.
Wasiirka dibu-dejinta Somaliland iyo Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo biyaha oo mid mid loogu codeeyay waxa mid walba ogolaaday 47 mudane, cid diiday iyo cid ka aamustay may jirin, Guddoomiyuhuna ma’codeynin.
WWW.Saraar Media.com

Comments

comments

Saraar Media © 2013 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media