Madaxweyne Siilaanyo Oo Wasaaraddaha Madaxtooyadda iyo Hawlaha Guud faray dejinta qorshe Qaadhaan loogu Ururinayo Wadooyinka

Hargeysa-(Saraar Media) Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo hogaamiyo ayaa Qorshe Hawleedkeeda Siyaasadeed ee ay ku dhaqayso Miisaaniyadda 2013-ka ku soo bandhigtay qorshe cusub oo ay doonayso inay wax kaga qabato Wadooyinka Dalka, si koboc dhaqaale u Abuurmo.
Siyaasadda Miisaaniyadda sanadkan waxyaabaha ugu badan ee ay fulinyasana waxa ugu waaweyn qorshayaal Wadooyinka loo dajiyay “Waa in Dakhliga Fuel Levy-ga, Road Levy-ga iyo License Levy-ga ay galaan Miisaaniyadda Dawladda Dhexe, isla markaana Dakhliga Fuel Levy-ga ee 2013 loogu soo Iibiyaa qalab Wadooyinka, laguna daraa qaybta Mashaariicda Horumarinta.
Sidoo kale, waa in kharashkii daryeelka wadooyinka ka baxsan magaalooyinka mudnaan la siiyaa Miisaaniyadda 2013. Si loo Horumariyo wadooyinka, waa in wasaaradda Madaxtooyadda iyo Wasaaradda Hawlaha
Guud ay diyaariyaan qaab suurtagalinaya in wadooyinka halbawlaha ah la dhigo nidaamka Qaadhaanka lagaga Ururiyo wadooyinka (Toll Collection Fee), iyadoo wixii sharci nidaamiye ah loo gudbin doono Golayaasha Sharci dejinta, wixii farsamo ahna loogu diyaarin doono sida ugu fiican” ayaa lagu yidhi Siyaasadda Miisaaniyadda ee sanadkan oo uu Mdaaxweyne Siilaanyo dhaqan geliyay 1/1/2103
Qorshahan cusub ee ay Xukuumaddu wado ayaa sida ka muuqata noqon doona mid Dakhli dheeraad ah lagaga qaadi doono gaadiidka mara wadooyinka siyaasadda lagu sheegay isla markaana buuxi doona dhaqaale lagu Horumariyo Jidad waaweyn oo fududeeya isu socodka Goboladda iyo Degmooyinka Dalka oo ay qaarkood imika go’doon galaan Xilliyadda qaarkood sida Gobolka Sanaag iyo qaar ka mid ah Deegaanada Hawdka.

www.Saraar Media.com

Madaxweyne Siilaanyo Oo Wasaaraddaha Madaxtooyadda iyo Hawlaha Guud faray dejinta qorshe Qaadhaan loogu Ururinayo Wadooyinka

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)

Comments

comments

Saraar Media © 2013 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media