Hargeysa (Saraarmedia) - Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shacabka ku hambalyeeyay dhalshada sanadka cusub ee Miilaadiga ah ee 2013-ka.
War-saxaafadeed Madaxwaynuhu soo saaray ayaa lagu yidhi sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu hambalyo ku saabsan munaasibada dhalashada sannadka cusub ee 2013-ka u dirayaa dhamaanba shacbi weynaha reer Somaliland, munaasibada bilowga sannadka cusub awgeed oo ka mida munaasibadaha fasaxa qaran, waxa uu hambalyo u dirayaa dhamaanba shaqaalaha kala duwan ee dawladda ee shaqooyinka ka nasanaya, Gollayaasha qaranka iyo dhamaanba shacbiga reer somaliland meel kastay joogaanba.
Madaxweynuhu waxa uu illaahay uga rajaynayaa in sannadkan kiisa kale ay ku gaadhaan bash-bash, barwaaqo iyo horumar, sidoo kale shucuubta aduunka waxa uu u rajeeyey horumar iyo nabadgelyo.
WA-BILLAAHI TAWFIIQ
Axmed Saleebaan Dhuxul
Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland
www.Saraarmedia.com













