
Hargeysa (Saraarmedia)- Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo) ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay qaar ka mid ah Salaadiinta Somaliland, kuwaasi oo uu marti qaad u fidiyey.
Madaxwaynaha Soomaaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maanta ku qaabiley qasriga Madaxtooyadda Salaadiinta Somaliland. Kulankan oo ahaa mid uu Madaxweynuhu u fidiyey Salaadiinta Somaliland ayaa waxa Madaxweynaha ku wehelinaayay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan (Saylici) iyo Guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi.
Ugu horeyn waxa halkaa Hadal kooban ka jeediyay Madaxwene Siilaanyo oo u soo bandhigay sidii Madax-dhaqameedku door laxaadle uga qaadan lahaayeen ilaalinta nabadgalyadda dalka iyo weliba sidii ay cid kasta oo dhibaato wada ugu waanin lahaayeen ilaalinta nabadgalyada iyo Maslaxadda Waddanka caam ahaan.
Kulanka Madaxwaynaha iyo Madax-dhaqameedka oo ahaa mid saacado aan badnayn socday ayaa waxa uu ku dhamaaday Jawi wanaagsan iyo isfaham dhanka wada shaqeynta Xukuumadda iyo Madaxdhaqameddka ee ilaalinta nabadgalyada, waxaana halkaa ka hadlay, Garaad C/rashiid Garaad Ismaaciil, Suldaan Naasir Suldaan Cabdi, Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi, Suldaan Cismaan Suldaaan Cali Madar iyo Suldaan -Axmed Daahir Muuse oo warbaahinta kula hadlay gudaha Madaxtooyadda,ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin casuumada uu Madaxwaynuhu u fidiyey aadna uga Mahadcalinayaan sida fiican uu Madxweynuhu noo Martiqaaday ah, iyagga oo xusay inay Madaxwaynaha isla qaateen sidii nabadgalyada iyo Madax-banaanida Somaliland meel looga soo wada jeedsan lahaa.
www.Saraarmedia.com





















Comments