Urur Siyaasadeedka Xaq-soor oo Xukuumadda ku Eedeeyay inay ku shubatay Doorashadii Golaha Deegaanka

Hargeysa; Axad, 2 Nov 2012 (SM) Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Xaq-soor Muj. Xasan Ciise Jaamac iyo saraakiisha Sar sare ee Ururkaasi oo shir jaraa’id ku qabatay xaruntooda Hargeysa goor dhaweyd ayaa sheegay inay Xukuumaddu ku shubatay Doorashadii Golaha Deegaanka isla markaana waxay u soo jeediyeen dhaleecayn.

Ugu Horeyn wax halkaasi ka hadlay Guddomiyaha Urur Siyaasadeedka Xaq-soor Muj. Xasan Ciise Jaamac waxana uu sheegay in Xisbil Xakimku ku shubtay Dhammaan Gobolada Sool, Awdal, Salaal,  iyo Gabiley. Waxanu Yidhi “Runtii Xukumada Xisbigeedu waxay ku shubtay Cododkii Gobolada Awdal, Sool, Gabiley, Salaal, Dhammaan ku shubashadaasi waxa noo xaqiijiyey Wakiiladdii noo qabilsanaa Goboladaasi oo noo sheegay in Kushubasho laxaadlehe ay Xisbiga kulmiye uu sameyey, Ururka Xaqsoor Arrintaasi u dulqaadan maayo ku shubashadaasi, waxanuna leenahay komishanka doorashoyinka in arrintaasi wax ka qabtaan oo ay hoos u eegan.”Ayuu yidhi Xassan Ciise.

 

Guddomiyaha Ololaha Gobolka Sool Maxmed Ibraahin (Qabo)  oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Gobolka Sool oo ururka Xaqsoor uu u qabilsaan lagu shubtay oo uu ku shubtay Xisbiga Kulmiye, oo Dhaammaan Sanaadiiqdii gobolkaasi qaatay oo ku shubteen, Garhaana Xudun,iyo Deeganka Bohol, Runtii Arrintaasi xisbiga Kulmiye qaatay waa aarrin aad u xun, Magalada Lascanood ayaan ku sugnaa oo wax nagu soo biiray Guddomiyihii Gobolka Sool ee Xisbiga Kulmiye oo xasoor ku soo biiray 43goobod maan arag meel looga codeynayo Kulmiye haddan maanta wax la leeyahay kulmiye ayaa ugu sareeyey Gobolka Sool, arrintaasi wax la aqbali karro ma ah, Sacadihii ugu danbeyey ayuu kulmiye ku shubtay Gobolka Sool”Ayuu yidhi Qabo

Dhanka kale isna wax halkaasi ka hadlay Guddomiyihii Ololaha Gobolada Gabiley iyo Togdheer ee Ururka Xaqsoor Aadan Ruush iyo Siciid Caynab waxayna sheegen in Goboladaasi uu xisbul xakimku ku shubtay “Waxanu la yaabnay Sanadiiqdii codbixinta oo raggii goboladaasi dawlada u qaabilsanaa ay sitaan oo komishankaa ay keenayaan iyaga oo ku soo buuxiyey Kulmiye Cododkiisii, Wax ilaa imika komishanada deegankaasi soo gaadhay kolba sanduuq uu soo rartay Kulmiye oo laga soo buuxiyey Kulmiye.Musuqmaasuqii ugu baladhan ayaa dhacay aad ayaanu uga xunahay komishankan waxanu ugu baaqayna ain arintaasi uu hoos u eego.”Ayeye yidhadeen.

 

Source

C/raxman Isbatore

Comments

comments

Saraar Media © 2013 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media