Laascaanood: Axad, 2 Nov, 2012 (SM) – Guddida Doorashooyinka ee Degmadda Laascaanood ayaa goor dhaweyd ku dhawaqay Natiijadda codbixinta doorashooyinka ee Golaha Deegaanka.
Natiijaddan ay ku dhawaaqeen guddida doorashooyinka ee Degmadda Xudun ayaa waxa kaalinta koowaad u galay, hogaankana u haya Xisbiga talada haya ee Kulmiye, halka uu kaalinta labaad soo galay Urur siyaasadeedka Xaqsoor.
Liiska ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-
Xisbul xaakimka Kulmiye waxa uu helay codad gaadhaya 7 Kursi
Uruka Xaqsoor ayaa isna helay codad gaadhay 5 Kursi
Ururka Wadani ayaa isna helay codad gaadhaya 3 kursi
Xisbiga UCID ayaa isna helay codad gaadhaya i 3 Kursi
Ururka UMADDA ayaa isna helay Codad gaadhaya 2 Kursi
Ururka Dalsan ayaa isna helay codad gaadhaya 1299 iyo 1 Kursi
Urur siyaasadeedka Rays ayaan isagu wax kuraas ah ka helin degmadda Laascaanood.
Source
Gabiley












Comments