Hargeysa, Isniin, 29 Oct, 2012 (SM) – Ololaha Doorashada Goleyaasha Deegaanka Somaliland ayaa maanta Dalka ka bilaabmay, kaas oo socon doona muddo 21 maalmood ah.
Ololaha Doorashadda Goleyaasha Deegaanka ayaa waxa lagu bilaabay Ururka Ummadda oo helay inuu noqdo Ururka ugu horeeya ee lagu bilaabay Ololahaasi Doorashadda, waxaana Taageerayaasha Ururka Ummadda ee Caasimadda Hargeysa ayaa beerta xoriyadda Magaaladda Hargeysa isugu baxeen, iyagoo halkaasi ku muujiyey cudoodda.
Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Umadda Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo ka hadlay Taageerayaashiisa iskugu soo baxay fagaaraha Beerta Xoriyadda, kaas oo taageerayaashooda ka codsaday inay si hagar la’aan ah codkooda u siiyaan Musharixiinta golayaasha deegaanka ee Umadda u sharaxn.
Dr Maxamed Cabdi Gaboose waxa kale oo uu amaanay isku soo baxa Taageerayaashiisa, isaga oo tilmaamay in ururku Umaddu u taagan yahay sidii uu dalka uga samayn lahaa horumar dhinacyo badan ah oo isbadal ku sameeya horumar la’aan uu xukuumadda ku dhaliilay.
Halkan ka daawo Sawirada
Masuuliyiinta Gobolka Hargeysa ee ururka Umadda iyo xoghayaha guud ee ururkaasi , oo halkaasi ka hadlay ayaa taageerayaasha uga mahad-celiyay sida uga soo baxeen balantii ahayd inay isku soo baxaan, iyagga oo u soo jeediyay inay afarta maalmood ee ururka Umaddu ololaynayo ay sidaasi oo kale yeelaan.
Ururka Umadda, ayaa Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ku soo bandhigay cududa taageerayaashiisa, isaga oo Fagarayaasha Beerta xoriyadda ee Hargeysa iyo Burco ku soo bandhigay kumanaan taageerayaal ah, kuwaasi oo ku lebisnaa calanka ururka Umadda, iyagga oo dadku fagarayaashaasi ku yimid gaadiid tiro badan oo isugu jira basas iyo gaadiid kale oo tiro beel ah.
Halkan hoose ka daawo Magaalooyinka looga soo baxay;
source
Khalid Ibraahim, Somalichanel TV, Universal TV













Comments