Maxkamada Garoowe oo Dil ku Xukuntey Nin Yameni ah oo Hub soo galiyey Puntland

Garoowe, Talaado, 23  Oct,2012 -(SM) Maxkamadda darajada koowaad ee maamul goboleedka Somaliyeed ee Puntland oo ku taalla magaalada Garoowe, ayaa maanta xukun dil ah ku ridday nin u dhashay dalka Yemen oo lagu eedeeyay inuu doonayay inuu hub sharci-darro ah ka soo dajiyay deegaan xeebta ah ee ka tirsan gobolka Bari ee Puntland.

Eedeysanaha la xukumay oo lagu magacaabo Saalixi Casiis Cabuud oo 50 jir ah, ahaana ninkii waday dooni hub sharci daro ah ku dejisay deegaanka Xaabbo, ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu xidhiidh la leeyahay kooxda Al-shabaab, iyadda oo maxkamada horteeda laga sheegay  in ninkan la qabtay isaga oo hub ku rogaya deegaanka Xaabbo.

Qareenkii u doodayay ninkan Yemen u dhashay ayaa wuxuu ka dalbaday maxkamadda in dambiga loo khafiifiyo maadaama uu isagu ahaa wadaha doonnida, balse uu hubka watay nin kale oo baxsaday, laakiin maxkamaddu qareenka way ka diiday soo-jeedintiisa.

Garsooraha maxkamadda darajada koowaad ee Puntland ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ah ee lagu xukumay eedeysanaya inkastoo aan la sheegin xilliga lagu fulin doono, waxaana ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo ruux u dhashay dalka Yemen ay dil ku xukunto Puntland.

 

source;

puntland post

Comments

comments

Saraar Media © 2013 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media