Boorama, October 23, 2012 (SM) – Ciidamada Qaranka Somaliland ee fadhigoodu yahay deegaanka Bariisle ee Degmada Saylac ayaa subaxnimadii Isniinta ee shalay ku waabariistay hawlgal ay ka sameeyeen gudaha magaalada Lawyacado ee degmada Saylac
Ciidamda Milatariga Somaliland ee degen deegaanka Bariisle oo iyadu u dhaw magaalada Lawyacado ee degmada Saylac ayaa hawlgal ay ka sameeyeen gudaha magaalada Lawyacado ee ku taal xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo Jabuuti waxay ku qabqabteen 35 qof oo ay sheegeen inay yihiin dad tahriibta ka shaqeeya iyo kuwo tahriibayay.
Taliyaha Ciidanka Milatariga hawlgalka sameeyay Ismaaciil Cawaale oo aan wax ka weydiinay hawlgalka ay ka sameeyeen gudaha magaalada Lowyacado ee degmada Saylac ayaa wuxuu xaqiijiyay in ay jiraan hawllgaladaasi ay ciidanka milatarigu ku qabqabteen dadkaasi.
Taliye Ismaaciil wuxuu sheegay in ay hawlgalka ku soo qabteen dad ka shaqeeya tahriibta iyo kuwo tahriibayay. Taliyaha oo ka Jawaabayay sababta ciidanka Milatarigu hawshaas u qabtay in aanay jirin deeganadaasi ciidan boolis oo hawshan qban kara ayaa wuxuu kaga jawaabay” Way jiraan ciidan qaban karaa oo boolis ah, balse hawlgalkan anagaa samaynay oo waxaan kaga hortagaynaa in dadka meel kasta raba in ay ka tahriibaan.
Sidoo kale waxaan weydiinay goobta ay dadkan ku hayaan iyo in ay maxkamad soo taagi doonaan sharciya wuxuuna kaga jawaabay” waxaan ku haynaa Bariisle, waxaanan u gudbin doonaa taliska ciidanka ee Geerisa oo ah meesha lanaga soo Amray, haddii maxkamad la taagayana iyagaa taagi, Anagu waa is dhaafinaynaa, ciidamo ahaana waxaan ka hortagaynaa in xeebuhu noqdaan meel cid walba doon ka fuusho oo laga tahriibo. Dhanka kalana waxaa wargayska Haatuf u xaqiijiyay in loo keenay dad tahriibayaal ah Gudoomiyaha degmada Xariirad Geesh Aaden Bile, kuwaas oo tiradooda uu ku sheegay ilaa 14 qofood oo ay u sii gudbinayaan dhanka dalka Ethoipia,.
todobaad ka hor ayay ahayd markii Taliyaha Booliska ee degmada Saylac Kayse Suudi warbaahinta u sheegay in ay jiraan 28 tahriibayaal ah oo ay u gudbiyeen dhanka xuduuda ethoipia iyaga oo sii marsiiyay magaalada Xariirad ee G/salal, Dadweynaha ku dhaqan magaalada Lawyacdo ee Somaliland ayaa dareeno kala duwan ka muujiyay hawlagalada ay gudaha magaalada ku sameeyeen ciidamada Qaranka ee Somaliland, taasi oo ay u macnaysteen hawlgal ka baxsan sharciyada Somaliland, waxaanay dad badan oo degen Lawyacdo Aaminsan yihiin in dadka la qabqabtay ay ku jiraan kuwo badan oo aan dambi loo hayn balse tuhun iyo shiki loo xidhay. Si kastaba ha ahaatee waxaa mudooyankan dambe ku soo badanaya tahriibayaasha deeganada xeebaha ee degmooyinka Saylac iyo Lughaya gaar ahaan deegaanka Kafura oo u dhaw ceel Sheekh.
source
Haatuf












Comments