Hargeysa, Isniin, 22 Oct 2012 (SM)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta duhurkii dib ugu laabtay caasimada Hargeysa, ka dib markii uu shalay socdaal ku tagay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, halkaasi oo uu xadhiga kaga jaray Dhismeyaal, Wadooyin iyo Stadium weyn oo D/Hoose ka hirgelisay magaallo xeebeedda Berbera.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa kale oo uu maanta xadhiga ka jaray wejigii labaad ee mashaariic laga fuliyay magaalada Berbera kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Dhismeyaal cusub oo loo dhisay waaxda cashuuraha berriga ee magaaladda Berbera, dhisme waaxda kastamka wasaarada Maaliyaddu ay Madaarka Berbera ka dhistay iyo xarun cusub oo Wasaarada waxbarashada gobolka Saaxil loo dhisay.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay mashaariicda laga fuliyay gobolka Saaxil, waxaanu u soo jeediyay masuuliyiinta xarumahan cusub inay dhismeyaashani sii dardar geliyaan adeegii ay bulshada u hayeen.
Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa kale oo uu booqday dugsiga sare ee Bursade ee magaallada Berbera, kaasi oo ardaydiisu sanadkan imtixaankii shahaadiga ahaa ka galeen kaalmaha hore ka dib markii 17 arday oo dugsigaasi ka tirsani ay markii u horeysay labaatankii sanadood ee la soo dhaafay ay gaadheen darajada (A).
Madaxweynuhu waxa uu ku hambalyeeyay maamulka iyo ardayda dugsigaasi juhdigoodii ku wajahnaa kaalmihii ay ka galeen imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare ee sanad dugsiyadeedka 2012-2013-ka.
Madaxweynaha waxa socdaalkiisan ku weheliyay Marwada Koowaad ee Somaliland, Wasiirrada Madaxtooyada, Arrimaha Gudaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha , Taliyaha Ciidanka Booliska, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda. Weftiga Madaxweynuhu waxay duhurkii maanta ku soo guryo noqdeen caasimadda Hargeysa.
Source
Cumar Maxamed Faarax












Comments