Hargeysa, Talaado, 16 October 2012 (SM)Alle ha u naxariistee waxa maanta shil baabuur ku dhintay oo ka dhacay tuuladda Abdaal ee u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera Guddoomiye Ku xigeenkii sadexaad ee Urur siyaasadeedka WADDANI Cabdilaahi Siciid Ismaaciil (C/Laahi Siciid Dheere).
Waxa kale shilkan ku dhaawacmay laba masuul oo kala ah Guddoomiye Ku xigeenka afraad ee WADDANI Cabdi Raygal Beegsi oo dhaawaciisu fudud yahay iyo Xildhibaan Cali X. Maxamed oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda kana mid ah Gudida fulinta ee Ururkaasi oo la weriyay in dhaawaciisu culus yahay.
Guddoomiye Ku xigeenkii sadexaad ee Urur-siyaasadeedka WADDANI ayaa ku geeriyoodayjidka intii la soo waday. waxaana labadan masuul ee kale la soo gaadhsiiyay Cisbitaalka Hargeysa oo dhaawacyadooda lagu dawaynayo cisbitaalkaas.
Sarkaalkan geeriyooday iyo labada kale ee dhaawacmayba waxay ku sii socdeen soo dhawaynta Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Hoggaamiyaha Urur-siyaasadeedka WADDANI Md, C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi oo ka soo degayay madaarka Magaalada Berbera ka dib markii uu socdaal muddo qaatay ku tagay dalka Ingiriiska.
source
Cumar Maxamed Faarax













