Hargeysa, Sabti, 13 October 2012 (SM) – Guddoomiye ku xigeenkii saddexaad ee Urur Siyaasadeedka Ummadda Prof. Axmed Maxamed Nuur ayaa shaaca ka qaaday inuu iska casilay Xilkii Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee Urur Siyaasadeedka Ummadda.
Prof: Axmed Maxamed Nuur oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Hotel Xaraf ee Magaaladda Hargeysa, ayaa sheegay inuu ku biiray Xisbiga Talada haya ee Kulmiye, isla-markaana waxa uu iscasilaadiisa ku sababeeyey Isbedelada Siyaasadeed ee ka soo hano-qaaday Bariga Sanaag oo uu ka soo jeedo.
Waxaana hadalkiisii ka mid ahaa “Aniga oo ah Guddoomiye ku xigeenkii saddexaad ee ururka Umadda, waxaan halkan ka cadaynayaa inaan iska casilay xilkaas oo aan muddo soo hayey, sababaha ugu waaweyn ee keenay waxa weeye in xuduudihii Somaliland ay dhinac Puntland ka soo xidhmeen, oo dhammaan beeshii Sanaag bari ay taageereen gogoshii nabada ee Madaxwaynaha, xukuumadduna ay ku tallaabsatay horumar, sidaa daraadeed, maadaama oo aan ahay beesha siyaasigeedii waxaan ku khasbanahay inaan beeshayda raaco oo aan la shaqeeyo xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye, kana wareego ururkii umadda.”
Axmed Maxamuud oo sheegaya halka uu siyaasad ahaan ku biirayo waxa uu yidhi “Waxan si toos ah ula shaqaynayaa xisbiga Kumiye ee muxaafidka ah iyo xukuumada, waanay idiin muuqdaan sababaha keenay iyo guulaha uu madaxweynuu ka gaadhay go’gashii nabadeed ee bariga.”
Prof. Axmed isaga oo la hadlaayay madaxweynaha maamul-gobaleedka Puntland waxa uu yidhi “Waxaan arkaayay inuu Faroole Sanaag bari cadho badan ka muujiyay, waxaanan leenahay Faroole yaanay xuduuda iyo khariirada Somaliland kaa qaldanaan, dadkuna waa Somaliland sadex gobal ayaad xukuntaaye( Puntland ) ku eekow, waana Somaliya sadexdiina gobal oo awalba waxaynu ahayn laba dawladood oo isku darsaday, Somaliland dadkeeduna waa uu tashaday, rasuulkuna waxa uu yidhi CSW qofka muslinka ah god laba jeer lagama wada qaniino.”
Ugu danbayntii waxa uu Gudoomiyahan is casilay fariin talo ah u diray madaxweynaha dhawaan loo doortay Somaliya iyo raysal wasaarahiisa“Madaxwaynaha Somaliya waa-nin inbadan kashaqayn jiray Samaliland waxaana looga fadhiyaa inuu ictiraafka kasiiyo midigta, raysalwasaaraha waxaan leeyahay Siyaad Bare ayaa baalmadaw kagatagay reer Somaliland ,adna waxaa lagaaga fadhiyaa inaad baalkaa madaw aad caadaan ubadasho oo aad Somaliland siisaan ictiraafkeeda ay xaqa uleedahay.”
Source
Khalid Ibraahim Gabiley






















Comments