Madaxweyne Siilaanyo oo u Qabtey Golaha Wasiirrada Shir Sadex Cisho Socondoona

Hargeisa, Sabti, 06 October 2012 (SM)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xarunta madaxtooyada ka furay shir Golaha Wasiirradu yeelanayaan oo lagu gorfaynayo waxqabadkii xukuumadda ee labadii sanadood ee la soo dhaafay iyo sidii loo darsi lahaa caqabadaha ka hor yimid.

Shirkan oo socon doona muddo sadex maalmood ah waxa Wasiirradu ku soo bandhigeen qodobadii u hirgalay iyo wixii u qabsoomi waayay duruufaha sababay.

Shirkan Golaha Wasiirrada ayaa lagu wadaa in la dejiyo qorsheyaal lagu waajahayo caqabadaha ka horyimid Wasaaradaha kala duwan ee dalka.

Shirkani waa kii u horeeyay ee noociisa ah ee Golaha Wasiirradda ku soo bandhigaan waxqabadkoodii, waxaana laga soo saari doonaa qorsheyaal ay kaga gudbayaan wixii carqaladaas lagaga baxayo.

 

Source

Cumar Maxamed Faarax

Madaxweyne Siilaanyo oo u Qabtey Golaha Wasiirrada Shir Sadex Cisho Socondoona

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)

Comments

comments

Saraar Media © 2013 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media