Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhaqan-geliyey Xeerka Baananka Islaamiga ah.

Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhaqan-geliyey Xeerka Baananka Islaamiga ah.

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

Hargeysa, Khamiis, 4 October, 2012  (SM) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta Xeer Madaxweyne ku dhaqan-geliyey Xeerka Baanka Islaamiga ah ee dhawaan ay meel-mariyeen Baarlamaanku.

Sidaana waxa lagu sheegay Warsaxafadeed ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada oo uu ku saxeexanyahay Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, kaas oo u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo adeegsanaya awoodihiisa dastuuriga ah waxa uu soo saaray Xeer Madaxwyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1364/102012, oo uu ku Dhaqan-geliyey Xeerka Baananka Islaamiga ah Xeer Lr. 55/2012 ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Comments

comments

Saraar Media © 2013 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media