Geeri Naxdin Leh Abwaan Gaariye oo ku Geeriyooday Magaalada Oslo

Geeri Naxdin Leh Abwaan Gaariye oo ku Geeriyooday Magaalada Oslo

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

Oslo, Isniin, 01 October 2012, (SM)  Alle ha u naxariistee Abwaankii weynaa ee Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) ayaa xalay abaaro 11-kii habeenimo ku geeriyooday cisbitaal ku yaala magaalada Oslo ee dalka Norway, halkaasi oo uu ku jjiray muddo dhawr bilood ah ka dib markii uu hayay xanuun dhinaca Kalyaha ah.

Alle ha u naxariistee Marxuum- Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) waxa lagu wadaa in maydkiisa loo soo duuliyo caasimada Somaliland ee Hargeysa oo loogu samayn doono aas qaran.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii Marxuumka iyo shacbiga Somaliland oo uu ka tacsiyadeeyay geerida marxuum-Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye).

Dhambaalka Tacsida Madaxwaynuhu u diray shacabka Somaliland ayaa u dhignaa sidan “Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Aqoon-yahanada Somaliland, Bahda Tacliinta, Bahda Hal-abuurka Fanka iyo Suugaanta, Bulshada Reer Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay MARXUUM, MAXAMED XAASHI DHAMAC (GAARIYE) oo Xalay ku geeriyooday Cusbitalku-yaal Magaalada Oslo ee Wadanka Norway oo marxuumku beryahaaba u jiifay Xaalad Caafimaad.

ALLE ha u naxariistee MARXUUM, MAXAMED XAASHI DHAMAC (GAARIYE) waxa uu ka mid ahaa hal-doorkii hormuudka u ahaa xoraynta dalka iyo baraarujinta ummaddeena, waxa uu ka mid ahaa aqoon yahanadii Qoraalka Afka-somaliga salka u dhigay,
ALLE ha u naxariistee MARXUUM, MAXAMED XAASHI DHAMAC (GAARIYE) waxa uu ahaa aqoon yahan hal-abuur ah karti leh aragti horumarsana leh, waxa kale oo uu kaalin mugleh ka soo qaatay dhismaha nabadgelyada, dawladnimada, dimu-quraadiyada Somaliland.

MARXMUUKU, waxa uu ahaa halyey qaran oo taariikh ku leh Ummadda Somaliland, qayb libaaxna ka soo qaatay halgankii loo soo galay dib ula soo noqoshadii Somaliland ee ay ku timid in uu dalkani noqdo qaran madaxbanaan.

Madaxwaynuhu waxa uu Marxuumka ILLAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Aqoon-yahanada Somaliland, Bahda Tacliinta, Bahda weynta Hal-abuurka Fanka iyo Suugaanta, Bulshada Reer Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo iimaan uu ka siiyo

Gaarriye wuxuu ku dhashay Magaalada Hargeysa 1952. Waxaa korisay eeddadii oo dhimatay isaga oon weli hanaqaadin. Magaalooyinka Hargeysa iyo Sheekh ayuu ku dhammaystay waxbarashadiisii hoose, dhexe iyo sare intii u dhaxaysay 1960 ilaa 1970. Dabadeed wuxuu ku biiray Kulliyadda Lafoole ee Afgooye, halkaas oo uu shahaadada BSc ka qaatay 1974. Wuxuu bare ka noqday dugsiyo sare oo dhawr ah ilaa 1976. Sannadkii 1977 ayaa loo beddelay Kulliyadda Lafoole oo uu ka dhigi jirey Suugaanta Soomaaliyeed. Muddo yar ka dibna waxa loo magacaabay guddoomiyahaWaaxda Suugaanta Soomaaliyeed ee Kulliyaddaas. Sannadkii 1980 ayuu ku wareegay Akaademiyadda

Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta. Halkaaas oo uu ka shaqaynayey ilaa 1982, markaas oo uu ku biiray halgankii hubaysnaa ee lala galay taliskii Siyaad. Wuxuu sannadkii 1973 helay miisaanka maansada Soomaaliyeed (taas oo ah qawaaniinta xukunta dhismaha maansada). Waxaanuu markii u horreysay si taxane ah ugu daabacay joornaalkii Xiddigta Oktoobar sannadkii 1976. Isla sannadkaas buu ku biiray Guddigii Af-Soomaaliga ee u xilsaarrayd erey-bixinta iyo cilmi-baadhista afka iyo suugaanta. Wuxuu wax ka qoray riwaayaddii Aqoon iyo Afgarad 1971.

Wuxuu qoray sannadkii 1979 riwaayad aan iftiinka arag oo la yidhaahdo Eed Hooyo laga Galay. Wuxuu ka mid ahaa abwaannadii ugu waawaynaa ee ka qayb galay silsiladdii caanka noqotay ee Siinley sannadkii 1973. Isagaana bilaabay silsiladdii xiisaha badnayd ee Deelley sannadkii 1979. Waxaana faan ugu filan inaanuu weligii gabay qabyaalad ah tirin.

Bahda RamaasNews waxay Tacsi u diraysaa ehelkii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Abwaan Gaarriye, waxaanay Ilaahay uga baryaysaa inuu marxuumka Naxariistii Janno ka waraabiyo.

 

source

Cumar Maxamed Faarax

Comments

comments

Saraar Media © 2013 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media