Gud Xisbiga Wadani Mud. Ciro ayaa Jawaab kulul ka Bixiyey Hadal ka Soo Yeedhay 5 Xisbi oo ku Dhawaaqay inuu Iska Casilo Xilka Gud. Barlamanka

Hargeysa Talaado, 18 Sept 2012 (Saraar Media) Guddomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxman Maxmaed C/laahi (C/raxman Cirro) ayaa sida Fiinta Uga qayliyey Go’aano ay gaadhen 5Urursiyaasadeed oo ka mid ah 7Urursiyasadeed ee ka qaybgalay Doorashada Golaha deeganka, Ururadan ayaa Komishanka Doorashooyinka u Gudbiyey Go’aan ka dhan ah Guddomiyaha Urursiyaasadeedka Wadani oo ah, in Xilka Guddomiye Nimada golaha wakiilada uu ka dago inta aan doorashada la galin, Shantan urursiyaasadeed ee u Gudbiyey Komishanka Arrinta ayaa wax ka mid ahaa Xisbiga Ucid, Ururka Ummada, Dalsan, Xaqsoor, Rays.

Guddomiyaha Ururka Wadani C/raxman Cirro ayaa sheegay in aanu Guddomiyenimada Golaha wakiilada ka degeyn, isaga oo ururadaasi ugu baaqay in haddii ay doorashada galayn iyo haddii kale aanu marna isagu ka degeyn kursigaasi Waxanu yidhi “Qolooyinka Ururada iyo Xisbiyada waxaan leeyahay Kama degeyo Guddomiyenimada Golaha wakiilada oo waan ahaanaya, Haddii aad doorashada galaysaan iyo haddii kale.”Ayuu yidhi C./raxman Ciirro

Sidaasi wax uu ku sheegay mar uu maanta ka hadlayey Xaflada Balaadhan oo loosameyey Isku biirista Ururkii Qiimaynta ku hadhay ee Xoryaal iyo Ururka Wadani.

Hadalkan Cirro ayaa wax uu ka danbeyey Kulan saaka ay iskugu yimadeen ururada Iyo Xisbiyada oo ay ka hadleyeen Arrimo doorashada ku salaysan.
Balse markii uu kulanakasi Dhammaday ayaa wax warbaahinta la hadlay Guddomiyaha Ururka Xaqsoor Xassan Ciise waxanu sheegay in arrimaha ugu waaweyn ee maalinta khaamiista ah ka balan san yihiin ay tahay sidii looga wadda hadli lahaa Xilka degista C/raxman Cirro..

 

source;

Waaheen

(0/5)

Comments

comments

Saraar Media © 2013 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media