Muqdisho, Axad, 16 Sept, 2012 (Saraar Media) Xaflada Caleema saarka Madaxweynaha Cusub ee Somalia ayaa hada ka socota magaalada muqdisho, waxaana ka soo qayb galay madax badan oo ka kala yimi wadamada caalamka, oo ay ka mid yihiin madaxweynaha Sudan, Djabouti, Uganda, Reysal Wasaaraha Ethiopia, reysal wasare ku xigeenka Turkiga iyoa madax ka socota qaramada midoobey iyo hayadaha caalamka qaar ka mid ah.
Waxaa kaloo ku jira martidan waftiyada ka socda ururka IGAD, African Union, Jaamacad Carabta,
xafladan oo si habsami ah u socota ilaa hada ayaa waxaa toos looga daawanayaa dhamaan telefishinada ku hadla afka soomaliga badan kooda.
Madaxweynahan cusub mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horeeyey oo ay yeeshaan wadanka Somalia ilaa intii ay dhacday dawladii kaligii taliska ahayd ee uu hogaamin jirey Siyad Bare, waxayna soo martey dawlado ku meel gaadh ah .
Arintan ayaa waxa ay ka dambeesay markii wadanka somalia loo sameeyey dastuur cusub oo lagu hago wadanka taas oo ay ka caawiyeen wadamada reer galbeedka iyo mareykanku.
Hadaba waxa laga dhur sugayaa inuu wax ka bedelo madaxweynahan cusub qaabkii hore ee wax u socdeen uuna la yimaado siyaasad cusub inkastoo ay adagtahay saadaasha waxqabadkiisa marka loo eego kooxaha mucaarad ka ah ee islaamiyiinta iyo kuwa hogaamiye kooxeedyada.
Saraar Media
info@saraarmedia.com













