Muqdisho, Isniin, 10 Sep, 2012 (Saraar Media) Saaka waxaa ka bilaabmay Magaalada Muqdisho Doorashada Madaxweynaha Somalia, jawiga magaalada ayaa ahaa mid aad u degan waxaase laga dareemayey meelkasta olalaha doorashada iyo kala iibsiga codadka.
Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa ku bilaabay qudbad uu kaga hadlayey in si wanaagsan loo galo doorashada waqtiga la bilaabay waxay ahayd 11:40 daqiiqo ee sacaada Muqdisho, waxaana shir gudoominaya gudoomiyaha waxaa goobta doorashada ku sugan 220 Xildhibaan oo codadkooda dhiibanaya.
Waxaa laga arkayey telefishinada somalida oo iyagu si toos ah u soo deynayey is dhex yaaca xildhibaanada iyo ololaha ka socda gudaha hoolka doorashada.
Musharaxiinta Madaxweynaha Somalia ee ilaa hada iskugu soo hadhay waxay gaadhayaan 22 waxaana ka tanaasulay sadex musharax ka hor inta aanay bilaaban doorashadu
Codeynta Xildhibaanada hada ayay bilaabatey waxaana laga yaabaa inay waqti dheer qaadato hadii ay gaadho ilaa wareega sadexaad.
Qaabka Doorashadu u dhacayso
Doorashadu waxay u dhacaysaa sadex wareeg oo kala ah sida hoos ku cad;-
- Wareega 1′aad waxaa madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia noqonaya musharaxa ku guuleysta cod aqlabiyad ah oo ah marka loo qaybiyo sadex qaybood ku guuleysta codadka laba qaybood
- Hadii wareega koowaad musharaxna uu ku guuleysan waayo cod aqlibiyada kor aan ku xusnay waxaa loo gudbayaa wareega 2′aad waxaana u gudbaya afarta musharax ee ugu codadka badan wareega 1′aad
- Hadii wareega 2′aad musharaxna ku guuleysan waayo codka aqlabiyada aan kor ku xusnay waxaa loo gudbayaa wareega 3′aad waxaana u soo gudbaya labada musharax ee ugu codka badan
- Wareega 3′aad waxaa noqonaya Madaxweyenaha Somalia musharaxa ugu codkan badan oo ah Hal Cod Dheeri
- Waxaa mabnuuc ah in musharaxna uu ka dhex sheego doorashada dhexdeeda inuu codkiisa ugu shubayo musharax kale
- Waa mabnuuc in marka la sheego tirada codadka la buuqo ama la subciyo
Info@saraarmedia.com
Xafiiska wararka London












Comments