(saraarmedia) Burco 19-08-2012 iyadoo dhamaan umada muslimiinta ay si weyn uciideen kadib markii ay guteen 30-bishii barakaysnayd ee ramadaan ayaa magaala madaxda G/Togdheer si weyn loogu tukaday salaada ciida meelaha lagu oogo salaada ciidda sida masaajidad iyo garoomada, meelaha sida weyn loogu iiday waxa kamida garoonka kubada cagta ee stadium Alamzay,garoonka kubada cagta ee hawlaha guud iyo goroonka saylada ,kadib qudbado qiimo badan oo laxidhiidha munaasibada ciidul fidrida ayaa waxa halkaas kasoo jeediyay culimada waa weyn ee Gobolka,waxana kamida ahaa culimadii halkaasi ka khudbadaysay sheekhul baladka G/Togdheer sheikh cali warsame xasan khudbadiisa oo dhinacyo badan taabanaysay ayaa wuxuu ku nuux nuuxsaday sida loogu baahan yahay ka qayb qaadashada arimaha bulshada gaar ahaan mashaariicda horumarineed ee Gobolka laga wado siiba dibu dhiska madaarka magaalada burco wuxuuna ku booriyay shacabka G/Togdheer inay qayb libaax ka qaataan dib dhiska madaarkaasi.
Waxaana si doo kale kahadlay madashaas masuliyiin katirsan xukuumada, agaasimaha guud ee wasaarada cadaalada iyo arimaha Garsoorka oo isaguna halkaakasoo jeediyay hadalo kusaabsan cadaalada iyo arimaha Garsoorka Somaliland gaar ahaan G/Togdheer .
Musilyiin tiro badan ayaa khudbadaha isaga danbeeyay sida taliyaha qaybta policeka ee G/Togdheer,G/hayada xumaan reebista iyo wanaag farista ee G/togdheer,waxana munaasibadan sooxidhay G/Gobolka Togdheer Mudane Cabdaw axmed Aayar wuxuna ka hadlay xaaladaha nabad galyo ee Gobolada bari Iyo ilaalinta deegaanka isaga farta ku fiiqay dhibaatada ay bacdu ku hayso deegaanka iyo inhadaan deegaanka la ilaalin ay noloshu cidhiidh galayso wuxuna ugu baaqay shacabka reer somaliland inay caawiyaan lana shaqeeyaan xukuumdooda
Munaasibadan ayaa ku soo gabagabowday jawi farxadeed
By: Abdikariin Aden Cise
Email: shaxshax_tarabi@hotmail.com













