Hargeysa, Arbaco, 8 Aug, 2012 (Saraar Media)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley ergada nabadda ee Buuhoodle ka timid ee uu Hoggaaminayo Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtoooyadda Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaanu u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergo ka mida Wefti balaadhan oo uu hogaaminaayo Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo reer Buuheedle ah weftigaas oo ujeedada socdaalkoodu ay ahayd in ay madaxweynaha soo gaadhsiyaan aqbalaada ay aqbaleen baaqii nabada iyo weliba fariinta reer buuhoodle.
Madaxweynaha Somaliland oo kulankaa hadal kooban ka jeediyey waxa uu marka hore soo dhaweeyey weftiga reer buuhoodle oo uu u sheegay inay dalkoodii joogaan, madaxweynuhu waxa uu weftiga uga mahadnaqay kuwa Hargeysa soo gaadhay iyo kuwa bari ku hadhayba, dedaalka ay u soo mareen nabada waxaanu u sheegay in illaahay ka abaal marin doono qof kasta oo wanaag ka shaqeeya.
Madaxweynuhu waxa uu u sheegay in farsamo ahaan wax kasta oo suurto gelinaya Nabad-gelyada deegaanadaasi uu diyaar u yahay.
Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu u mahadnaqaday gudidii dhinaca Somaliland ka socotay oo uu sheegay inay hawl wanaagsan qabteen ugu danbayn madaxweynuhu wax uu kula dardaarmay weftiga reer buuhoodle iyo dawladaba in aan laga hadhin ee hawsha nabad-doonimada la sii wado.
Kulankaa madaxweynaha waxa ku wehelinaayey xubno ka mida golihiisa wasiirada iyo gudoomiyeyaasha labada Xisbi ee Kulmiye iyo UCID.”
Cabdillahi Maxamed Cakuse
Afhayeenka Madaxtooyada
Somaliland













