Hargiesa Axad 5 Aug 2012 (Saraar Media) Shirkada Dahabshiil Group oo mar walba looga bartey inay taakulayso bulshada soomaaliyeed meelkasta oo ay joogto caalamka ayaa waxa ay bisha ramadaan ku taageertey xoolo nool oo ay ugu talo galeen in lagu nafaqeeyo dadka cisbitaalada ku jira.
shirkadaha Dahabshiil Group, oo kala ah Xawaaladda, Somtel, Dahabshiil Bank iyo Ganacsiga, farxad u ah inay kagala qayb-qaadato Bisha Ramadaan ee Barakaysan ummadda Muslinka ah, gaar ahaan, dadka bukaan-jiifka ku ah cusbataallada waa weyn oo ku kala yaalla 20 magaalo, oo ay ku yaalliin xafiisyada u waaweyn ee shirkadda Dahabshiil, deeq xoolo nool ah si loogu daryeelo dadkaa jilicsan fadliga bishaa barakaysan awgeed.
“Waxa Shirkadaha Dahabshiil Group ugu talo galeen in 500 oo neef oo adhi ah loo kala qaybiyo bukaan-jiifka cusbataallo ku kala yaalla magaalooyinka Hargeisa Berbera Borama, Gabiley, Laas Caanood, Ceerigaabo, Burco, Bossasso, Beledweyn, Mogadishu, Marka, Jowhar, Garowe, Gaalkacayo, Galmudug, Baydhabo-Bay, Xuddur-Bakool, Kismaayo, Buu’aale iyo Garbahaarrey.
Waxa deeqdan dhmmaanteed laga qaybiyey 20ka magaalo isku mar oo ku beegan 5 August 2012.
“Deeqdani, oo ay ku baxayso xaddi lacageed oo ka badan US$50 000, waxay ka mid tahay hawlaha lagu weyneynayo bisha barakaysan ee Ramadaan oo qayb ka ah hawlaha samafalka iyo daryeelka bulshada ee shirkadaha Dahabshiil Group ku taakulayso qaybaha kala duwan ee bulshada danleyda ah ee Soomaalida.”
Deeqdani waxay qayb ka tahay mucaawimooyinka sida joogtada ah bulshada Soomaaliyeed ee danyarta ah shirkadda Dahabshiil ugu taakulayso.
Nuur Xasan
Hargeisa













