Wasiirka Isboortiga JSL oo Sheegay in La Qaban doono Ciyaaraha Gobolada Sanadkan 2012

Wasiirka Isboortiga JSL oo Sheegay in La Qaban doono Ciyaaraha Gobolada Sanadkan 2012

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

Hargeysa, Axad 22 July, 2012- Wasiirka wasaarada ciyaaraha ,dhalinyarada iyo dhaqanka  Cali Siciid Raygal, ayaa sheegay in wasaarada ay u diyaar garoobayso sidii sannadkan gudihiisa loo qaban lahaa tartanka ciyaaraha gobolada ,iyada oo arrintaas ay qayb ka tahay qorshaha sannad laha ee wasaarada .

Wasiirku waxa uu hadalkan  sheegay mar uu xafiiskiisa uga waramayay  Telefiishanka Royal, waxaana uu sheegay in sidii ciyaaraha kala duwan ee dalka loo horumarin lahaa ay ka go’an tahay ,iyada oo   la dayactiray garoomada waaweyn ee Magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Ceerigaabo  ,laguna hirgeliyay  iskaashi  ay sameeyeen dawlada , shirkadaha wadaniga ah  iyo hay’addaha dalka ku sugan.

“ Dib u dhis ayaa lagu samaynayay  qaar cusubna waa la dhisay , Ceerigaabo iyo Hargeysana waa la dhisay  Dahabshiilbaa kan Hargeysa ayuu   dhisay oo maalgeliyay , kaa Ceerigaabana hay’ad la yidhaahdo Dai ayaa dhistay , ka Berberana  dawlada hoosaa dhistay . Ciyaarahii gobolada waa la qabanayaa  ku talagalkayagii sannadkii wax yarbaa ka hadhoo  waxa aanu qaban karo waa ay noo cadahay  ciyaaraha gobolada  ayaa ka mid ah , garoomada dhisamahoodaa ka mida”  ayuu yidhi wasiirku .

Waxa kale  uu sheegay in  wasaarada diyaarisay barnaamij istaraatijyeed oo lagu horumarinayo ciyaaraha dalka ,iyada oo ay maalmihii u dambeeyay socdeen kulamo  u dhexeeyay wasiirka iyo madaxda xidhiidhada.

 

Saraar Media News Desk

Hargeisa

Comments

comments

Saraar Media © 2013 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media