Wasiirka Difaaca Suuriya iyo Bashaar Asad Seedigii oo Lagu Diley Qarax Ka Dhacay Dimishiq

Wasiirka Difaaca Suuriya iyo Bashaar Asad Seedigii oo Lagu Diley Qarax Ka Dhacay Dimishiq

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

Dimishiq, Arbaco 18 2012 (Saraar Media) Telefishinka Qaranka ee Suuriya, ayaa sheegay in Assef Shawkat, oo ahaa Madaxweyne Assad seeddigiis, in lagu dilay weerar isqarxin ah oo ka dhacay Xarunta Hey’adda Qaranka aa Sirdoonka. Wuxuu ahaa nin aad awood ugu leh hawlaha ammaanka iyo sirdoonka ee Suuriya.

Wasiirka Difaaca, Daoud Rajiha, ayaa isaguna ku dhintay.

Weerarka waxaa lala beegsaday shir ay lahaayeen Wasiirro iyo saraakiil sare oo ammaanka qaabbilsan.

Agagaarka dhismahaas oo ku yaalla degmada Rawda, waa la xiray.

Weerarku wuxuu ku soo beegmay iyada oo dagaallku ku sii faafayo caasimadda Suuriya, Dimishiq.

 

SM News Desk London

Comments

comments

Saraar Media © 2013 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media