War Deg Deg ah: Boqor Buurmadow oo Xabsiga Laga Sii Daayey Saaka

Share it now!

Hargeysa 18 July, 2012 (Saraar Media) Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow , ayaa xalay laga sii daayay xabsiga  Mandheera ee gobolka Saaxil, ka dib markii ay maxkamada gobolka Maroodi-jeex ku riday xukun dhan hal sanno, ayaa  diiday in uu  ka hadlo sababtii ay xukuumadu xadhiga  muranka abuuray ula beegsatay.

Boqorka oo  qaar ka mida warbaahinta kula hadlay, gurigiisa Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in  in aanu wakhtigan diyaar u ahayn in uu ka hadlo xidhigiisii oo qaatay  muddo afar bilood ah, isaga oo ku cudur daartay in  uu wada tashi la yeelan doono saaxiibadii iyo  shacabka reer Somaliland.

“ Adeer   wax xumaan ah ma doonayo in aan ka hadlo  oo ummada xumeeya , diyaar uma ahi, waxa weeye oday ayaan ahay odaygana waxa weeye marxalad kastaa waa ay soo martaa , ma doonayo in aan maanta ka hadlo , arrimahaas waa arrimo iska basiid ah  si wanaagsan  ayaanay wax walba ahaayeen  wax dhibaato ahna lamaan kulmin , caafimaadkaygu wuu fiican yahay  aad iyo aad baad u mahadsan tihiin mana doonayo in aan wax faahfaahin ah bixiyo “ ayuu yidhi Boqor Buurmadow.

Laakiin  waxa uu mahadceliyay dadkii ka xumaaday xadhigiisii  oo ay ka mid ahaayeen hay’adda caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadamaha oo xukuumada ugu baaqay in  la sii daayo.

“ Waxa aan u mahadcelinayaa dadkii arrinkayga ka dadaalay iyo dadkii dhiidhiyay heer caalami ha noqoto ama  hay’ado badan oo caalamiya ah , ayaa ka hadlay arrinkayga  oo aad iyo aad uga hadlay ha ahaato Somaliland gudaheeda  ama shacabka reer Somaliland  qurba jooga Somaliland Sallaadiinta  , madax dhaqameedka  ganacsatada ,  qof kasta oo arrinkayga ka damqanayay aad iyo aad baan ugu mahadcelinayaa”.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, ayaa la sheegay in lagu sii daayay cafis uu u fidiyay Madaxweyne  Siilaanyo, ka dib markii toddobaadkii  kulamo isdaba jooga ahaa  xarunta Madaxtooyada ku yeesheen  madax dhaqameedka  beelaha Habarjeclo uu Madaxweyne ku qanciyay sii dayntiisa.

Be a fan

(0/5)

Comments

comments

Saraar Media © 2013 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media