London(SaraarMedia)-Waxaa maanta lagu diley Clacton-on-Sea,Essex’mid ka mid ah Bilayska Ingiriiska kadib markii uu is yidhi kala dhex gal laba nin oo murankoodu geeri qarka u saarnaa,xiligaasi oo aanu shaqada Bilayska ku jirin ee uu fasax ahaa,waxaa isaguna dhaawacmay ninkale.
Ninkan Bilayska ah oo la odhan jirey Ian Dibell oo 41 jir ahaa ayaa dhintay markuu isagoo og si badheedh ah u dhex galay laba nin oo xaalkoodu marayey meel halis ah,sidaa waxaa xaqiijiyey Taliyaha Bilayska ee Essex oo la yidhaahdo Jim Barker-McCardle.Bilaysku waxay raadinayaan Peter Reeve oo 64 jir ah oo lagu xidhiidhinayo Toogashada askariga,waxayna sheegeen inuu ninkaasi dadka khatar ku yahay.
Bilaysku waxay wacad ku mareen inaanay joogsanayn ilaa ay soo qabtaan,waxayna maanta xidheen xaafadii shilku ka dhacay,iyagoo ka dhistay taanbuug ay faraha dadka ku baadhayeen,13 gaadhi oo Bilays ah oo uu ku jiro Bas yar oo Bilays hubaysani ka buuxaan ayaa mar keliya ku kulmay agagaarkii ninka lagu diley.
Ninkan ayaa ah nin cad oo dhererkiisa lagu qiyaasay 5 foodh iyo 10 xubnood,ciro ayuu leeyahay,waxayna u badantahay inuu hub sito.Dadka xaafadaa degan ayaa Bilaysku fareen inaanay guryahooda kasoo bixin.
“Waxaanu hubnaa inaanu soo qabanayno maxaa yeelay waxaa nalasoo hadlay dad badan oo xogo na siiyey”,sidaa waxaa yidhi mid ka mid ah kuwa baadhitaanka wada.
info@saraarmedia.com












Comments