Saylac(SaraarMedia)-Waxaa maanta soo gaadhey dadka abaaruhu saameeyeen Galbeedka Somaliland deeqdii ugu horeysey ee ka timaada debeda Somaliland.
Deeqdan raashinka ah ee ay dawlada Jabuuti soo dirtay oo dhamayd 450 tan ayaa saarnayd 15 gaadhi, taasi oo isugu jirtay bariis, saliid, daqiiq, bacaha guryaha lagu dhisto, deeqdaasi oo ay dawlada Jabuuti u soo dhiibtay ama soo marsiisay ururka Ramad oo ah urur samafal oo ay ku midoobeen jaaliyada gobolada Awdal iyo Salal ee ku dhaqan dalka Jabuuti.
Masuuliyiinta heer Gobol iyo heer degmo ee Gobolka Salal ayaa shalay deeqdaasi raashinka ah kagala wareegay magaalada Lawyacado masuuliyiinta ururka Ramad ee deeqdaasi raashinka ah ka keenay dalka Jabuuti.
Masuuliyiin siday takulaldan ee ka socday ururka Ramad ayaa sheegay inay haboon tahay in gacan weyn oo taageero laga geysto abarta iyo macaluusha ka taagan deegaanada hoos yimaada Gobolada Awdal iyo Salal, kuwaasi xilligani gobollada oo abaaraha ku dhufatay iyada oo dad badani ay ka barakacaan degaanada iyo tuulooyinka ay daganayeen.
Waxaanay masuuliyiintaasi ka socday Ururka Ramad tilmaameen in in taageeradani ay daba socoto baaqii Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud, ee ku waajahnaa in gacan caawimo laga gaysto dadka ay baaruhu ku dhufteen ee gobolada Awdal iyo Salal.
Maamulka gobolka Salal ee deeqdaasi raashinka ah ka gudoomay ururka Ramad ayaa iyagna amaanay walaalaha Jabuuti ee ka damqaday xaaladda abaareed iyo nololeed ee ka taagan Gobolladaasi, waxaanay u mahad celiyeen Dawladda Jabuuti iyo Ururka Ramad ee deeqdani loo soo dhiibay.
Deeqdan raashinka ah ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda loo qaybiyo dadka ku dhaqan gobolada Awdal iyo Salal ee ay abaaraha ba’ani ku dhufteen, iyada oo deeqdaasi loogu talo galay in la gaadhsiiyo 680 qoys oo ka mid ah dadkaasi ay abaaruhu wax yeeleeyeen.
Dawlada jabuuti ayaa noqonaysa Dawladii ugu horaysay ee deeq soo gaadhsiisa dadka ay abaaruhu ku dhufteen ee ku dhaqan Gobolada Awdal iyo Salal, iyada oo ay talaabadani noqonayso mid ay dawlada Jabuuti kaga jawaabayso baaqdii uu bishii hore jeediyay Madaxwaynaha Somaliland ee ku waajahnaa in gacan laga gaysto abaaraha ka jira Goboladaasi.
Waxaa isla markiiba shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Boorame Salaadiinta iyo Madax Dhaqameedka Awdal,Selel iyo Gabiiley iyagoo uga mahad celiyey Dawlada Jabuuti sida walaaltinimada leh ee ay ugusoo gurmadeen dadkooda abaartu ku tabaalaysay Galbeedka Somaliland.
saraarmedia.com












Comments