Talaado, 3′da July 2012 London (Saraar Media) Waa hees cusub oo uu soo saaray fanaanka weyn ee laga daba dhacay ee codka macaan waa al fanaan Price Mahad ‘Fanaanka Sanadka 2012 isla markaana ka mid ahaa fanaaniintii hore.
Fanaanku waxa uu soo bandhigey hees aad u macaan oo la magac baxday “Dhex yareey Muunaay” waa hees muuqaal ah oo jacayl ah waxayna ka turjumaysaa nin jeclaaday inan dhex yar, midhaha heesta waxaa iska leh abwaan Mahad Ali Jarik, Muusigii C/salaan Jimy iyo laxankii C/naasir Maxamuud Ildab.
Heestan waxaa duubey oo ku far yareystey soona saarey Saraar Media Studio. waxaa la jilaya fanaanka aktarad da yar oo magaceeda la yidhaahdo Sara Ahmed oo iyadu si aad u qurux badan uga muuqata heesta.
Fanaanka Prince Mahad ayaa isaguna si aad u qurux badan u jilaya heesta isla markaana xarago cajiib ah la yimi isku soo wada duuboo waa heesta sanadka 2012 waana heesta ugu duubista quruxbadan heesaha la duubay oo dhan.
ku raaxaysta heestii dhex yar iyo fanaanka Prince Mahad













