London(SaraarMedia)-Gunaanadkii wadahadaladii labada maalmood ee Somaliland iyo Somaliya.Ingiriiska,Norwey iyo midowga yurub waxay shirka kagasoo qayb galeen codsiga labada dhinac ee wada hadlaya.waxay ku heshiiyeen sideed Qodob-in loo wada hadlo Somaliland iyo dowladaTFGda hadii la bedelona ay somaliland lasii wado wada hadalka cidii hogaanka somalia qabata-waxay beesha caalamka ka codsadeen inay wadahadalka ka caawiyaan dhinaca sharciga iyo wixii kaloo wadahadalku u baahdo siina wadan taageerida dhinaca dhaqaalaha siina kordhiyaan-waxay ku heshiiyey in ay iska kaashadaan la dagaalanka Argagixisa,kaluumaysiga sharci darada ee badahooda-Sunta lagu aaso bada iyo la dagaalanka budhcad badeeda-waxay ku heshiiyeen in dhakhso loo dhameeyo qaabka ku meelgaadhka ee Soomaaliya-Waxay ku heshiiyeen inay labada madaxweyne ee Somaliland iyo Somaliya kulmaan oo wadahadalka ka talo bixiyaan.
Daawo war saxaafadeedkii Gogol xaadhka Wadahadalada Somaliland iyo Somalia
Posted by B Tarabi on June 21, 2012 in News, Video · 0 Comments












Comments