“What kind of Immigrant we are taking in?People from Somalia knows nothing but to herd a Sheep”Swedish MP

“What kind of Immigrant we are taking in?People from Somalia knows nothing but to herd a Sheep”Swedish MP

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

London(SaraarMedia)-Xildhibaan ku jira Baarlamaanka Swedan oo magiciisa la yidhaahdo Mr Kent Ekoroth ayaa mar uu la hadlayey VoxNews sheegay in wadankan Swiidhan dadkii u dhashay aanay dareemeyn inay ku noolyihiin wadankoodii,wuxuuna sheegay hadiiba la dejinayo wadankan qaxooti waa inaanay noqon sida Soomaalida.

Mr Kent wuxuu sheegay in aanay Soomaalidu wax horumar ah iyo Ilbaxnimotoona aanay kusoo kordhinayn wadankan Swiidhan,wuxuuna yidhi “waa noocee Masaafuriinta aynu u baahanahay inaynu dalka u ogolaano,Soomaalidu wax kale noloshooda ma yaqaanaan aan ka ahayn sida Idaha loo raaco,ma kuwaasaa wax inagusoo kordhinaya,maxaynu ka sugnaa.

Wakhtiga uu sidaa yidhi waxaa wadanka Iswiidhan ku sugnaa oo indho indhayn u yimid Ninka Maraykanka ah ee u ololeeya Xuquuqda Bani Aadmiga Mr Jessi Jackson,isagoo eegayey bal sida Iswiidhan dadka soo galay ay uga mid noqdeen bulsho weynta Swiidhan.

Xisbiga Dimuqraadiga ee Iswiidhen ayaa markii u horeysey soo galay Baarlamaanka Dalka iyadoo ay u sabab ahayd kadib markii Xisbiga loo sameeyey Xayaysiis Naago Musaafuriin muslin Xijaaban ah oo degdeg u dhaafaya Islaan gaadhiga Curyaanada wadata iyagoo kusii socdey inay lacagta Dawladu ku kabto kuwa aan shaqayn ay xafiiska kasoo qaataan weliba dumarkaa Muslinka ah ee xijaabka xidhan oo U degdegayey helida Lacagtaa (Caydha).

Arintani waxay aad uga cadhaysiinaysa Qofkasta oo Afsoomaali ku hadla waana inay geed sare iyo mid gaabanba ufuulaan sidii ay uga soo dhaadhicin lahaayeen Buurta uu rakadeeda kasoo qayshey ee codka dheer siisay oo ah kursiga baarlamaanka,waa haduu meel uun kaga xidhmo xaafadaha dadka ajnabiga ahi degaan.Waxay ahayd inuu Dalkiisa Dembiga saaro markii ay cadaadiyeey ee ay fursad siin waayeen cidkale iska daayoo kuwii ku dhashay Swedan.

Meel kasta oo Somali degto way joogaan DR Faarax Guuleed,Pro A/Casiis cigaal,Mo Faarax ,Raage Oomaar iyo qaar kaloo badan oo Ingiriiska kasoo baxay laakiin waa hadii lasiiyo fursad.

Comments

comments

Saraar Media © 2013 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media