Daawo:Morgan iyo Duqayntii Somaliland+Wadahadalada SL iyo Somaliya+Qormooyin hore

Share it now!
London(SaraarMedia)-Markaad fiidyowga daawanaysid soo qaado maro aad afka gashatid,qiyaas inta naf ku baxaysa.
Shalay Wasiirkii hore ee Duulimaadyada iyo Hawada Mudane Cali Waran cade wuxuu ku baaqay inay dhalinyarada Somaliland,kuwa jaamacadaha iyo kuwa dugsiyada sare ka baxay ay qaataan tababaro Meleteri,iyadoo la qiyaasi karo waxa kasoo bixi kara wada hadalada Somaliland iyo Somalia,Somaliya haka sugin inaad furto oo ay warqadooda nabadgelyo ku qaataan,sidaa darteed shanta masuul ee Somaliland metelayaana ma aha ragii loo diri jirey meesha Gar heshiis laga rabo .
Waa inaynu Cidiyaha iyo Ilkaha  ku difaacnaa madaxbanaanida Somaliland :D adka reer Somaliland waa dad ilbaxa oo xadaarad leh,waa dad nabada jecel oo yaqaana macaanka iyo midhaha ka dhasha,waa dad colaada iyo dagaalada neceb oo wax ku qaatay wixii soo maray,hadana ogoow inay yihiin dadka ugu dagaalka iyo adkaysiga badan ee aan hadhin ilaa ay guulaystaan waxay doonto haku kacdee.waxkastoo ka burbura iyo inkastoo ka dhimatana waa kuwii kasoo kabta guul dabadeed.
Reer somaliland way ka aqoonyahano,geesiyaal,abwaano iyo guurti badan yihiin hadii afarta kale ee soomaaliyeedba la eego.waxay dalkooda iyo dadkooda udifaacayaan waxay aaminsanyihiin oo ah xoriyad iyo cadaalad aanu aadanuhu la’aantii noolaan karin.waxa ay somaliland ugu mintidayaan waa iyagoo aaminsan inay qabankaraan wax ka badan waxa ay qaban karaan kuwo leh dawlado la aqoonsanyahay,waanay xaqiijiyeen.
Cidkastoo soo gardaraysata somaliland hadii Bush yidhi ka hadhi mayno ilaa cadaabta ayaanu kaga daba gelaynaa cida maraykanka soo gardaraysata,reer Somaliland waxay kaga soo hadhaynaa cadaabta irideeda.
Dadka reer Pakistaan iyagoo weligoodba sagaal jeer kayaraa dadka Indiya hadana weligood lagama guulaysan.xiligii Pakistaan ogaatey in Indiya samaysanayso Nukliyeer,maadaama aanay Paakistaan dhaqaale ku filan haysan dawlad ahaan,shacabka Paakistaan waxay balan qaadeen in qofkii sadex jeer wax cuni jiray inuu laba jeer wax cuno,cuntadii markii sadexaadna uu lacag ahaan dawlada ugu deeqo,taasi ayaa layidhaahdaa wadaninimo,waana ta gaadhsiisay inay la tartamaan waxkasta oo Indiya hindisto.
Hadaba dadka reer soomaaliland waa dad kuwaa kasii fog xaga wadaniyada oo kara inay waxkasta uhibeeyaan dhulkooda hooyo haday muruq,maal ,maskax iyo inay dhiigooda u hibeeyaan.
Hadii aynu sirdoonkeena Tababar  Mileteri siino Ma inooga aar gudi karaan Kuwii dadkeena xasuuqay:Damiir xumo ka weyni ma jirto markaad qof qabiil ku dishid ama ku necbaatid inagoo og inaan qofku qabiilka uu yahay aanu dooran ee ay tahay qadar eebe. hadaba xigmad yarayaasha ubadheedhay inay dadkeena dhibaatooyin kala duwan oo badan ugaystaan ee weli aan gefkoodii la tusin waa waxa keenaya inaan cidina inaga baydhin.
Qadiyadeenu waxay maraysaa sidii madawga loo necbaa wadamada galbeedka,ama yuhuuda loo xasuuqay,nin lagu seexdaw ha seexan.Waynu ognahay ninkastoo dembi inaga galay iyo meesha uu joogo,markaa waxaa inoo banaan laba arimood,mida hore waxa weeye inagoo konton qof oo sirdoonka qaranka ah siina tababar melateri iyo kharash kufilan maadaama ay wadankay tagaanba ka heli karaan qalabka ay ubaahan yihiin,weliba tani waxay aad waxtar uleedahay wadamada deriska oo ay dembiilayaashu yimaadaan ama degan yihiin iyagoo xitaa usoo jiidi kara xaga soomaaliland.hadii aynu ubadheedhayno in laynoogu yeedho dawlad argagixiso ah hadiiba hawlgal dhicisoobo.Waxaad ogaataa in aan argagixiso laguugu yeedhayn hadii dawladaha kale ay dani idinka dhaxayso,dublamaasiyadaaduna wanaagsantahay,iyadoo habkan caalamkoo dhan laga isticmaalo waana waxay kusoo caano maashay dawlada yuhuudu.
Tan labaad ee aynu yeeli karaa waxa weeye inagoo hab sharci ah ku aargoosana,waxaynu ubaahanahay in wasaarada cadaaladu gooni ugu xil saarto toban garyaqaan oo takhasus gaar ah leh.garyaqaanadani waxay joogi karaan wadanka gudihiisa ama si kharashka iyo dhibaatada safarku u yaraado waxaa laga dooran karaa qurba joogta reer somaliland ee aqoonteeda leh.Qof reer somaliland ah oo ogolaanayaa majiro inuu cadaw debeda ahi soo galo gudaha dalka ama xitaa isku dayo,maantana maalin ay ka rajo weyn yihiin ma jirto shacabka reer somaliland,iyagoo markasta uheelan dalkooda horumarkiisa iyo difaaciisaba.
bashirtarabi@saraarmedia.com
Be a fan

(0/5)

Comments

comments

Submit your comment

You must be logged in to post a comment.

Saraar Media © 2013 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media