Laascaanood(SaraarMedia)-Warar lagu kalsoon yahay oo nagasoo Gaadhaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in Ciidamada Somaliland Saaka Subaxii hore oo saacado yari kasoo wareegeen ay si xarago leh ku galeen Magaalada Tukaraq.
Wararku waxay intaa ku darayaan in maleeshiyada Khaatumo oo dhowr Gaadiidka Gaashaaman wataa ay iyagu markii hore soo weerareen Ciidamada Qaranka ee Aaga Gambadha,iyagoo Ciidamadu meesha ka saareen kuwii Khaatumo oo Usbuuc ka hor ka qabsaday ciidamada Puntiland,ciidankii yaraa ee weerarka soo qaaday ayaan la garanayn meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.
Waxaa la sheegayaa in dadweynaha magaaladu si wanaagsan usoo dhaweeyeen Ciidamada qaranka,iyagoo khaati ka joogey sharci la’aan magaalada ka aloosnayd.Ciidamada Qaranka qayb ka mid ah aya la sheegayaa inay kusii jeedaan Xadka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya meesha la yidhaahdo Yoocada.
info@saraarmedia.com
Wixii warar ah ee soo kordha halkan kala soco.












Comments